Deeq A. Posted Thursday at 01:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa qaaday tallaabo uu ku sheegay in looga hortagayo musuq-maasuqa ka dhaca hay’addaha dowladda, xilli dhawaan isaga looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir. Wargelin kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ayaa waxaa lagu faray hay’addaha dowladda ee qabta dakhliga dowladeed nooc walba uu yahay in aysan lacag ku qaadi karin Akoon dowladeed oo kaliya. “Si dowladdu u joogteyso bixinta adeegyada aas-aasiga u ah dadweynaha, waa in dakhli kasta oo ay dowladdu leedahay, sida; canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah, lagu qabto Akoon dowladeed si waafaqsan sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, si sax ah oo dhammeystiran u gaaro khasnadda dhexe ee dowladda,” ayaa lagu yiri nuxurka wargelinta kasoo baxday Hanti-dhowrka Qaranka. Hanti-dhowrka ayaa sidoo kale waxa uu faray shacabka inay hubiyaan warqadda lacag qabashada ee la siiyo marka adeeg ama dakhli dowladeed bixinayaan, si ay iskaga hubiyaan tirada lacagta laga qabtay inay ku cad tahay. “Haddii aad aragto khalad, wax is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka qabashada dakhliga dowladda, fadlan nala soo wadaag,” ayaa lagu yiri wargelinta kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka. Tan ayaa imaneysa xilli dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ay Hanti-dhowraha Qaranka ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is-hortaagga go’aan maxkamadeed, iyo inuu is-hortaag ku sameeyay bixinta kharashyada socodsiinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. Maxkamadda gobolka ayaa markaasi amartay in 16-kii bishaan uu Hanti-dhowre Guutaale horyimaado maxkamadda, taas oo aan dhicin kadib markii ay madaxda sare soo fara-gelisay khilaafka maxkamadda iyo hanti-dhowrka, oo uu sheegay hanti-dhowrka inuu ka bilowday in guddoomiyaha maxkamadda sare uu is-hortaagay baaris lagu sameeyo, kadib ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, oo hanti-dhowrka ku eedeeyay. Share this post Link to post Share on other sites