Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo weerar xun ku qaaday madaxweynaha Ukraine xilli uu la kulmayo Putin

Recommended Posts

Deeq A.   
0021f044-500.jpg?fit=500%2C281&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye bilaa doorasho ah,” kaddib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay “goob marin-habaabineed” oo uu Ruushku saameeyay.

Trump ayaa toddobaadkii hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, tallaabadaas oo loo arko bilowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweyne Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee, tallaabadaasi ayaa u muuqata in aysan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diiddan yahay in uu doorasho ka qabto Ukraine.

Bishii Abriil ee sannadkii 2024 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaankii uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadkii 2022.

Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay.” Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaaban dagaalkaasi.

Hadalladan ay is weydaarsadeen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya maalin kaddib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doona hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this