Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo mar kale u tartamaya xilka madaxweyne iyo arrin u qorsheysan

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-4-scaled.jpg?fit=2560%2C176

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka ayaa haddane markii saddexaad waxaa xilka madaxweynaha u tartamayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo rabo inuu doorasho ku galo hanaankan ay ka taagan tahay doodda xooggan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), kana mid xisbiga madaxweynaha ee UPD oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo looga hadlaayay doorashada dadweyne ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu mar kale tartamayo, uuna diyaar u yahay inuu sii hoggaamiyo dalka.

Yabooh ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha ay u qorsheysan tahay inuu banneeyo xilka, waa haddii looga guuleysto tartanka soo socda ee doorashada uu galayo 2026.

“Madaxweynaha hadda jooga meel cad ayaa lagu doortay, xilligiisa marka uu dhamaado waxa uu diyaar u yahay in uu mar kale tartamo, haddii uu soo bixi waayo xilka banneeyo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka.

Sidoo kale, Yabooh ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, si ay ugu ciil baxaan codkooda, una soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka oo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Hanaankan doorasho ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka u arkaan mid looga dan leeyahay qorshe xukun-dheereysi, iyagoo ka digay qabashada doorasho aan loo dhammayn, taasoo dalka u horseedi karta xaalad halis ah, sida ay sheegeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this