Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo dhalasho kale maanta ku dhoofay iyo xogta habraaca safar ee loo diiday

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhalatay in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, ka hor istaagtay habraaca in baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya uu ugu safro dalka dibadiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika.

Marka la isticmaalayo baasaboorka diblomaasiga, waxaa khasab ah in la maro wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, si warbixin loola wadaago safaaradaha dalalka uu qofka masuulka ahi u safrayo.

Rooble, oo ka ag-dhow madaxda xukunka joogta ee dowladda federaalka ayaan weli la cadeyn masuulka ay is hayaan, wararka qaar waxay sheegayaan in amarka loogu diiday habraaca fududeynta safarkiisa uu bixiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa, halka dadka qaar ay soo dusiyeen xog sheegeysa inay is hayaan Wasiir Fiqi oo maamula wasaaradda arrimaha dibadda, xigtana ay yihiin Rooble.

Habraaca loo diiday in la marsiiyo safarka ra’iisul wasaare hore Rooble iyo saaxiibadiisa siyaasadda, ayaa qofka masuulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo wadanka uu u socdo uu ku tegayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare hore Rooble, waxaa safarka loo diiday in loo fududeeyo u raaci lahaa siyaasiyiin kale oo qaar mucaarad yahay, qaarna wasiirro xukuumaddaka tirsan yihiin.

Ilo wareedyo kala duwan oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, ka ag-dhow ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay diiday inay ka soo jawaabto warqadihii codsiga safarkaas, iyadoo aan loo cadeyn sababta.

Rooble, ayaa xaq u lahaa in loo ogolaado safarka hanaanka diblomaatiga loo yaqaan ee xasaanadda, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradaha Koonfur Afrika iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo masuulka, safarkiisana ay uga warqabaan.

Dowladda Soomaaliya, weli kama hadlin arrintaan, balse waxaan ogaanay in siyaasiyiinta safarkaan ku wehliyey Rooble, ay yihiin kuwo aad u mucaarada xukuumadda, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Carab oo saaxiib la ah Rooble, kuna jira Golaha Shacabka, Cabdullahi Carab ayaa toos u dhaliila xukuumadda Xamsa.

Sidoo kale, xubnaha aan ogaanay in safarkaan ay ku jireen waxaa kamid ah Wasiiru dowlihii hore ee Wasaarada Qorsheynta Xildhibaan Gaani oo kol-hore ka tegay xukuumadda Xamsa, si weyna u dhaliila hoggaaminta Xasan iyo Xamsa.

Maxamed Xuseen Rooble, oo isticmaalay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka heysto ee Sweden, ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, isagoo u safray dalka Koonfur Afrika, maadaama uu casuumad ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this