Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Amiir oo shacabka Muqdisho ku yiri “Ima dooran, waxna idiin qaban maayo”

Recommended Posts

Deeq A.   
Amiir.jpg?fit=593%2C395&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Amiir, ayaa maanta si cad shacabka Muqdisho ugu sheegay in guddoomiye la soo magacaabay aysan ka sugin in baahiyahooda uu ka shaqeeyo, isagoo bixiyey tusaale yaab leh.

Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan waxqabad u qabsan karin, maadaama aysan iyagu xilka u dhiiban, isla markaana aysan ka qaadi karin.

“Nadaafad darrada ka jirta Muqdisho iyo jidadka burbursan waxba igama weydiin kartaan hadda, laakiin haddii aad i soo dooran lahaydeen waa ila xisaabtami lahaydeen. Marka waxaan idiin sheegayaa, qofkii aan la dooran ee la soo magacaabay jeebkiisa ayuu u shaqeystaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan maanta ka sheegay fagaaraha Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu qabtay kulan dadweyne oo lagu taageerayey qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Goobta uu hadalkan ka yiri Guddoomiye Amiir waxaa fadhiyey wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo shacab u soo bannaan baxay taageerada dowladda, una heelan in dalkooda horumar la gaarsiiyo.

Hadalka Guddoomiye Amiir uu maanta yiri, sida aan ka fiirsashada lahayn, ayaa qalbi-jab ku abuuray shacabkii u hammuum qabay dowladnimada ee maanta isugu yimid Tiyaatarka. Wuxuu hadalkaasi abuuray sawaxan markiiba goobta ka bilowday iyo hadal-hayn qabsatay baraha bulshada.

Guddoomiyaha gobolka ayaa markii uu hadalkaas yiri kadib ku af-gobaadsaday in danta shacabka Muqdisho ay ku jirto in madaxdooda ay soo doortaan, isaguna uu ka shaqeyn doono in guddoomiyaha kursiga kala wareegaya uu doorasho dadweyne ku imaan doono.

Guddoomiye Amiir ayaa maalintii uu xilka la wareegay goobtii uu kula wareegay ka sheegay in dadka reer Muqdisho uu si dhab ah ugu shaqeyn doono ee uusan ka shaqeysan doonin, balse hadalkaas maanta ayuu si cad u beeniyey, isagoo yiri hadal u dhigma: “Idiinma shaqeynayo, xilkana igama qaadi kartaan!”

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this