Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kooxdii “Bidixda” ee SSDF U Taagnayd?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000026363.png?resize=400%2C359&ssl=1Ururkii SSDF mabda’ ahaan wuu ka soo horjeeday shuuciyadda iyo wixii loo bixiyay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan oo uu kacaankii Soomaaliya ku salaysnaa.

Garoowe (Faallo PP) — Ururkii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) xubnihiisii hore waxay siyaabo kala duduwan u soo bandhigeen isbeddeladii ay goobjoogga u  ahaayeen sanadihii 1978kii ilaa 1985kii. Wixii ka dambeeyay 1985kii, oo ahaa sanadkii Itoobiya xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf, guddoomiyihii SSDF, taariikhda ururka wax badan lagama oga. Xubno badan oo ururkaas ka mid ahaa ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya kaddib 1983kii.

Dhowaan Cabdi Faarac Siiciid (Juxaa), Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland, ayaa waraystay Maxamed C. Xasan (Alto) oo ka mid ahaa ururkii SSDF. Juxaa, oo hore u qoray buug ku saabsan waayihiihiisii SSDF, wuxuu siiyay Alto fursad uu xusuustiisa iyo aragtidiisa ku soo gudbiyay. Xusuustu waxay ku saabsan tahay wixii dhacay; aragtidu waxay ku saabsan tahay fasiraadda laga bixiyo sababihii waxaas u dhacay.  

Waa waraysiga ugu xiisaha badnaa oo xubin SSDF ahaa lala yeeshay. Maxamed Alto wuxuu ku dooday in Cabdullaahi Yuusuf uu  bixiyay amarkii  Itoobiyaanku xabsiga ugu taxaabeen isaga. Wuxuu ku dooday inuu ka mid ahaa koox ahayd “Bidix.” Juxaa ma su’aalin Alto macnaha Bidixda. SSDF cidaamaddeedu waxay markaas ka soo jeedeen hal beel. “Bidixdu” waxay ahayd koox aamminsanayd hantiwadaagga. Waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caydiid, Cumar Salaad, Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, Cabdi Maxamuud Aamiin iyo xubno kale oo ka mid ahaa Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS).  Xubnahan waxay rumeysnaayeen in sida keliya ay Itoobiya ugu dhowaan karaan awooddana kula tartami karaan Cabdullaahi Yuusuf ahayd inay sii haystaan mabda’a hantiwadaagga. In Mengistu Hailse Mariam, hoggaamiyihii Itoobiya ee waqtigaas, uu iyaga mabda’a ahaan ula jiri doono ayay aamminsayeen.  Loollankaas wuxuu Cabdullaahi Yuusuf kaga jawaabay tallaabooyin uu ku yaraynayay saameynta kooxdii isu tiqiin “Bidixda”. 

“Bidixdu” waxay aad mar ugu dhoweyd taliskii Siyaad Barre oo ay la soo shaqeeyeen. Dhowr toddobaad ka hor 1977kii  intii Soomaaliya aysan xiriirka u jarin dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti, Cumar Salaad Cilmi, oo mar ahaa Guddoomiyaha Abaabulka ee Golaha Dhexe ee XHKS, ayaa maqaal ku qoray wargeyskii Halgan oo ahaa codkii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Wuxuu Maqaalka ku xusayay 60 guuradii Kacaankii Ruushka ee 1917kii. Wuxuu ka qeybgalay xaflad sanadguurada kacaankii uu Lenin hoggaaminayay lagu maamuusayay.

1000026360.jpg?resize=828%2C1012&ssl=1Cumar Salaad markuu qoray maqaalkan muu ogeyn in Soomaaliya go’aansatay in xiriirka ay u jarto Midowgii Soofiyeeti 1977kii. Cumar wuxuu ku biiray SSDF billowgii siddeetamaadkii.

Markii Alto xabsiga laga soo daayay waxaa loo sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uu diiday bixinta lacag uu Itoobiya kaga safri lahaa. Si kastaba ha ahaato, Alto tagay Cadan oo caasimaad u ahayd dalkii loo yiqiin Yementa Koonfureed.

Alto wuxuu sheegay in SSDF soo weerartay Buuhoodle iyo magaalooyin kale. Koodxda “Bidixdu” waxay aamminsanaayeen in dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la iskaga dhicin karo ciidammadii Soomaaliya halka Cabduulaahi Yuusuf aamminsahaa in dagaalku u dhexeeyo labo dal. Waaya-aragnimadisii dagaalkii 1964kii iyo 1977kii ayaa saameyn ku lahayd sida uu arkayay hawlgallada SSDF.  Cabdullaahi Yuusuf inuu Itoobiya ku soo sirmay ayaa u muuqatay  markii uu ogaaday in shuuciyadda Itoobiya ka jirtay iyo shuuciyad-diidka uu caanka ku ahaa ay iska hor imanayeen.

SSDF wuxuu ahaa urur ku dhex burburay loollankii Geeska Afrika ku dhexmaray Bariga (oo xulafadii Warsaw hoostagayay) iyo Galbeedka (oo isbahaysiga NATO ku tiirsanaa). Soomaaliya waxay u janjeertay Galbeedka. Mabda’ ahaan ururkii SSDF wuxuu ahaa urur ka horjeeda shuuciyadda hase ahaatee taageero u doontay dal talis shuuci ahaa uu ka talinayay.    

Ilaa hadda la isma su’aalin cidda SSDF (oo mar SODAF ahayd) u soo sahmisay in Itoobiya noqoto meel ay saldhig ururku ka samaysan karo. 1984kii ciidammada Itoobiya ayaa weeraray xero ay ciidammada SSDF kaga sugnaayeen meel ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed, oo hadda loo yaqaanno Dowlad-deegaanka Soomaalida. Isku dhicii mabdi’ii SSDF oo lidka ku ahaa shucuuyiadda iyo mabdi’ii taliskii Dergiga ee Itoobiya oo shuuciyad ku salaysnaa ayaa sababay burburkii SSDF. Labadaas mabda’ waxay u kala taagnaayeen waa la yaqaannaa, hase ahaatee kooxdii isu bixisay “Bidixda” ka mid ahayd SSDF mabda’a ay u taagnayd lama yaqaanno.

© Puntland Post, 2025

The post Maxay Kooxdii “Bidixda” ee SSDF U Taagnayd? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this