Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma ogtahay xiliga ay ku egtahay da’ada dhalinyaranimada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wa imisa tirada rasmiga ah ee aad isu garan karto inaad “gaboowday”? dadku siyaabo kala duwan ayay arrintan u arkaan balse baaritaanno la sameeyay ayaa muujinaya inay tahay bartamaha da’da 30-meeyada.

Hadaba maxay tahay da’da uu qofku leeyahay fursado badan oo uu wax ku qabsan karo? dadka qaar waxay rumeysanyihiin inay tahay da’da dhalinyarnimada, qaarkood waxay qabaan inay tahay sanadaha uu qofka ku jiro waxbarasho ilaa heer jaamacadeed. Balse marka aad gaarto da’da 35 sano jir, ayaa ah xiliga ay isbedello ku imanayaan noloshaada, marka la eego dhanka shaqsiyadeed iyo xirfadeed.

Sida laga soo xigtay jaamacad la yiraahdo Krent oo ku taala Britain, da’da 35 sano ma aha keliya da’da loo tix geliyo inuusan qofka “yareyn”, balse sidoo kale, waa da’da ay ragga dareemaan “kelinimo xad dhaaf ah” halka dumarkana dareemaan “caajis badan”.

Sidoo kale, da’adan 35-ka ayaa la sheegay inay tahay da’ada aynu nacno amaba dhibsanno shaqooyinkeenna, sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay in ka badan 2,000 oo hawen oo shaqaalaha UK ka tirsan, gaar ahaanna luwa ka hawl gala shirkadda Robert Half ee dalkaas.

Baaritaanada qaar ayaa muujinaya inay kordhaan cadaadiska qoysaska iyo dhaqaalaha xiliga da’da 30-meeyada, taas oo dhibaatooyin badan u hor seeda howlaha shaqada iyo guriguba.

Cadaadiska oo kordha

Sida laga soo xigtay jaamacad la yiraahdo Krent oo ku taala Britain, da’da 35 sano ma aha keliya da’da loo tix geliyo inuusan qofka “yareyn”, balse sidoo kale, waa da’da ay ragga dareemaan “kelinimo xad dhaaf ah” halka dumarkana dareemaan “caajis badan”.

Sidoo kale, da’adan 35-ka ayaa la sheegay inay tahay da’ada aynu nacno amaba dhibsanno shaqooyinkeenna, sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay in ka badan 2,000 oo hawen oo shaqaalaha UK ka tirsan, gaar ahaanna luwa ka hawl gala shirkadda Robert Half ee dalkaas.

Baaritaanada qaar ayaa muujinaya inay kordhaan cadaadiska qoysaska iyo dhaqaalaha xiliga da’da 30-meeyada, taas oo dhibaatooyin badan u hor seeda howlaha shaqada iyo guriguba.

caruur

Bartamaha da’da 30-meeyada, fikradda in shaqadaada xasiloon aadan lumineyn ayaa noqoneysa arrin si deg deg ah ugu baahan in wax looga qabto. Marka loo eego xogta uu soo ururiyay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK kadib sahan la sameeyay horaantii sanadkii 2017-kii, shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 49 ayaa laba jibaar ka badan tahay in shaqada laga diro marka loo eego shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 34 sano jir.

Intaa waxaa dheer, in shaqaalaha ay da’adoodu u dhaxeyso (35 ilaa 49) aysan ku qanacsanayn shaqadooda marka loo eego shaqaalaha kale ee ka da’da yar, sida lagu sheegay sahanka la sameeyay.

Sahanku waxa kale oo uu tilmaamay, in mid ka mid ah lixdii shaqaale ee British ah ee da’doodu ka weyn tahay 35 sano jir aanay ku faraxsanayn shaqadooda ay qabtaan, taas oo ah laba jibaar boqolkiiba shaqaalaha ka yar 35 sano jir.

Shaqaalaha da’da yar ayaa inta badan ka faa’iideysta rajooyinka hoose ee maamulayaashooda, halka shaqaalaha da’da 30-meeyada ay halgan ugu jiraan inay ka jawaabaan su’aasha ah: Miyaan guulo ka gaaray halkii aan hiigsanayay? ayuu yiri Ashley Webbman, agaasimaha xarunta Robert Hal UK.

“Waa wax iska caadi ah in la yiraahdo in farqiqa qaar ee u dhaxeeya da’ada ka horeysa 35 sano iyo ka dib ay tahay ay tahay mid anaga aan go’aankeeda leenahay waxa ay tahay inaan sameyno “ayay tiri Julia Clarke, oo u shaqeysa shirkadda cilmi-baarista ee Ipsos.

Clark waxa uu intaa ku daray in ay wax caadi ah tahay in shirkadaha cilmi-baarista ay adeegsadaan 10 sano ama ka badan u dhexeeya, sidaas darteed kooxahan da’da ah waxaa laga yaabaa inaanay isku mid ahayn.

Clark waxaa uu intaa ku daray in dadka la shaqaaleysiinayo ay tahay inay u dhaxeeyaan da’ada 18,24 ilaa 34 iyo waxa ka weyn.

getty

Haweenka da’adoodu kor u dhaaftay 35 sano jir, iyagana waxay ka walwalaan inay carruur dhali doonaan iyo in kale, inkastoo daraasad dhawaan la sameeyay ay Meesha ka saartay in haweenka aysan ilma ku heli Karin da’adaas.

Mareykanka oo akle, haweenka ayaa iska ilaaliya inay uur ku qaadaan da’ada 30-meeyada, si ay wax barashadooda u sii wataan oo ay shaqo u helaan.

Sahanka ugu dambeeyay ee ay sameysay xarunta xakameynta dawooyinka oo qeyb ka ah waaxda caafimaadka Mareykanka, ayaa muujinaysa in haweenka ku jira da’da hore ee 30 meeyada ay leeyihiin carruur badan marka loo eego kuwa ku jira da’ada 20 meeyada, markii ugu horeysay ee taariikhda dalka.

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this