Sign in to follow this  
Deeq A.

D๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐๐๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ค๐ข,

Recommended Posts

Deeq A.   

img_23_1740061234121.jpg

img_22_1740061216787.jpg

img_18_1740061149344.jpg

img_14_1740061087744.jpg

img_15_1740061106544.jpg

img_17_1740061140252.jpg

img_19_1740061168874.jpg

img_21_1740061199821.jpg

img_24_1740061241446.jpg

Screenshot_20250220_151956_Chrome.jpg

img_13_1740061067095.jpg

img_16_1740061114754.jpg

img_9_1740060975910.jpg

img_10_1740060992093.jpg

img_11_1740061016135.jpg

img_7_1740060933226.jpg

img_8_1740060952321.jpg

img_6_1740060918337.jpg

img_5_1740060887615.jpg

img_4_1740060865903.jpg

img_3_1740060845491.jpg

img_1_1740060808776.jpg

img_2_1740060826082.jpg
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐๐๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ค๐ข, ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š๐ง๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ

Boorama 20.02.2025( ) โ€“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo kamid ahayd ballanqaadyadii madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka safar shaqo kaga kallahay caasimadda Hargeysa, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu dhagax-dhigayo bilowga waddada isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD kaga *****nayso ballanqaadyadii xilligii ololaha ee xisbul-xaakimka WADDANI.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hayโ€™adda horumarinta waddooyinka, badhasabaabka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, madax-dhaqameedka kala duwan ee gobolka Awdal iyo marti-sharaf kale duwan, waxana halkaas lagu muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay guud ahaan gobolka Awdal, waxana si weyn loo soo dhaweeyey dedaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii raad muuqda oo dhinaca waxqabadka kaabayaasha dhaqaalaha ah uga fulin lahaa guud ahaan Awdal.

Ugu horrayn, badhasaabka gobolka Awdal, Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xodey) iyo maayarka degmada Boorama, Mudane Mustafe Faarax Qabille oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida lexejeclada leh ee uu ugu dhiirraday dhagax-dhigga waddadan muhiimka ah si uu u fuliyo ballanqaadkiisii.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee ugu magaca weyn gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey tallaabada horumarka leh ee uu ku dhagax-dhigay waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Baki, waxana ay si cad u sheegeen inay tallaabadani tahay mid taariikhi oo uu madaxweynaha qaranku ku horumarinayo gobolka Awdal.

Guddoomiyaha hayโ€™adda horumarinta waddooyinka, Mudane Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xogwarramay waddadan iyo muhiimadda ay leedahay, waxana uu xusay inay madaxweynaha ka goโ€™an tahay dhammaystirka waddadaasi.

Wasiirrada wasaaradaha gaadiidka iyo Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Afgaab, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab iyo Wasiirka warfaafinta, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey goโ€™aanka uu kaga *****nayo ballanqaadyadiisii xilliga ololaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in waddada maanta la dhagax-dhigayaa wax badan kusoo kordhin doonto dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Awdal.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD mid mid u fulinayso dhammaanba ballamihii ay bulshadii codka siisay u qaadday, waxana uu bulshada ugu baaqay inay horumarka kala shaqayso xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ah soo afmeeray, ayaa xusay inay ka madaxweyne ahaan ka goโ€™an tahay fulinta wax kasta oo uu shacabka ugu ballanqaaday, waxana uu tilmaamay inay waddadani fure u noqon doonto horumar oo dhinaca kaabayaasha oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ka fulin doonto gobolka Awdal, waxana uu yidhi, โ€œWaddadaasi waxa ay kordhin doontaa wax soo saarka gobolka haddii ay beero tahay iyo haddii ay macdan tahayba.โ€

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashruuca ugu weyn ee xukuumaddiisu muddo-xileedkeeda fulin doontaa ka qorshaysan yahay gobolka Awdal, maaddaama oo ay ballamihiisa kamid ahaayeen, โ€œmashruuca ugu balladhan mudo-xileedka xukumadda wadajir iyo waxqabad wuxuu noqon donaa mashruuc uu gobolka Awdal leeyahay oo noqon doona Boorama Fardaha ilaa iyo Lawyacaddo,โ€ ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga uu hoggaaminayaa muddadii ay ku gudo jireen safarkooda shaqo waxa weyn loogu soo dhaweeyey gudaha magaalooyinka Boorama, Dila iyo duleedka Kaantaroolka Caabdud laโ€™, halkaas oo shacab ku lebbisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabileen.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this