Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay weerarkii Shabaab kusoo qaadeen Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ay la galeen dagaalyahannada Shabaab, kuwaas oo weerar kusoo qaaday deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Weerarka oo ka dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ayaa lagu jebiyey Shabaab, waxaana la dilay in ka badan 130 dagaalyahan.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub badan oo ay cadowgu kaga tageen goobaha dagaalka, taasoo muujinaysa jab xoogan oo gaaray Shabaab.

Hawlgalka dagaalka kadib, Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa bilaabay baacsiga haraadiga Shabaab ee ku baxsaday dhulka howdka ah si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabuli lahaayeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this