Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalka ciidanka xoogga iyo Alshabaab ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe.

Dagaalkan oo ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayay saraakiisha ciidanku sheegeen inay khasaare lixaad leh  ku gaarsiiyeen dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray inay hayaan meydadka xubno ka tirsan Alshabaab, islamarkaana goor dhow ay Warbaahinta la wadaagi doonaan xogta dagaalkaas oo faahfaahin.

Gobolka shabeellada dhexe ayaa kamid ah kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay wadaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanku.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this