Sign in to follow this  
Deeq A.

S/Land oo go’aan lama filaan ah soo saartay xilli uu dhagsanaa bandhigii Haboon Nuura

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5864.jpeg?fit=718%2C902&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maata go’aan culus oo lama filaan ah kasoo saartay bandhig faneedyada lagu qabto magaalada Hargeysa, xilli uu bandhig uu dhagsanaa fanaanada caanka ah Haboon Nuur, kaas oo la qorsheynayay inuu dhowaan dhaco.

Warqad kasoo baxsaday xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa gebi ahaa joojiyey bandhig-faneedyada iyo cawayska heesaha habeenkii ee caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-Jeex, taas oo ka dhigan in la baajiyay bandhigii la qaban qaabinayay ee Haboon Nuura.

Guddoomiyaha ayaa sababta ku sheegay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub ee maanta soo baxay.

“Waxaa la farayaa labada taliye qaybeed iyo dhammaan hoteellada magaalada Hargeysa in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 19/02/2025 in la joojiyay bandhig faneedyada, cawayska heesaha ee habeenkii, maadaama ay liddi ku tahay diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, diinteenuna ina fartay anshax wanaag iyo dhowrsoonaan” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-Jeex.

Fanaanadda caanka ah ee Haboon Nuura ayaa dhowaan sidaan oo kale looga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Si kastaba, Haboon ayaa maalmo kooban kadib dib isaga laabatay Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana kadib loo qaban qaabiyay bandhig faneed, kaas oo ugu dambeyn maanta la baajiyay kadib amarka cusub ee haatan kasoo baxay Somaliland.

480444986_1189727856495928_7280787897940

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this