Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo si adag uga digtay in colaad beeleedda miyiga gobolka Mudug loo soo raro Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740037723153.jpg?resize=720%2C40

Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin adag oo ku saabsan in aysan magaalada Gaalkacyo soo gelin ama loo soo rarin colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo hadal ka jeediyay shir nabadeed oo Gaalkacyo uga furmay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa si weyn uga digay in colaadda ka taagan galbeedka Mudug loo soo raro magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Maxamed Faarax ayaa odayaasha labada beelood ka codsaday in ay nabadda u midoobaan, isla markaana ay meesha ka saaraan waxkasta oo colaadda u hiilin kara, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug aysan aqbali doonin in colaadda miyiga loo soo raro magaalada Galkaacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waxaa tihiin ehel wadashay oo aan meelna kala aadi doonin, dhulkuna weligiis meeshiisa ayuu ahaanayaa, waxaa laydinka rabaa inaad baaqa nabadda gaarsiisaan reer guuraaga oo hawshaan aydinaan ka tegin iyadoo qabyo ah, haddii aad heshiin waydaan maamuladu go’aan bay gaarayaan labada beeloodba dan u ah.”

“Magaaladaan Galkacyo waa magaalo inaga wada dhexaysa oo Soomaali oo dhami ku nooshahay, in qalalaaso laga sameeyo waxyaabaha miyiga iyo tuulooyinka ka dhacay loo soo raro marna aqbali mayno, dadka raba inay fidno ka sameeyaan oo dagaalada u soo raraan kulli waa iska celinaynaa oo dhan baan uga soo wada jeensanaynaa. Dagaalku meelbuu joogaa xalbaana loo raadinayaa”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo si adag uga digtay in colaad beeleedda miyiga gobolka Mudug loo soo raro Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this