Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta weerar qaraxyo ku bilowday oo Al-Shabaab ay ku qaaday Aadan Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   
qarax.jpg?fit=720%2C334&ssl=1

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsatay deegaanka Ceel Cali Axmed oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee Shabeelaha Dhexe.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana weli xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan oo laga dareemayo saameyta dagaalka.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa inay xoogga saarto deegaanka Ceel Cali Axmed, kadibna ay gaarto degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda, halkaas oo u ahayd sadhig muhiim ah oo ay ku sugnayd muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Khawaarijta, ayna iska difaaceen dagaalka ay saaka kusoo qaaday.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda ay hadda ka wadaan qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this