Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo madaxweynaha Ukraine ku tilmaamay keligii-taliye

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhiggiisa Ukraine Vladimir Zelenskiy ku tilmaamay keligii-taliye doorasho la’aan isaga jooga, wuxuuna intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay doorasho degdeg ah oo dalkaas ka dhacdaahi.


Trump wuxuu sidoo kale saacado ka hor sheegay in madaxweyne Zelenskiy aanu garanayn meesha ay ku baxday lacag balaayiin doolar ah oo Mareykanku dalkiisa siiyay, wuxuuna sheegay inuu oggolyahay in dagaalku sii socdo.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo Ruushka ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan D
dagaalka Ukraine, kuwaas oo Zelensky aan kaalin ah laga siin.

Xariirka sii xumaanaya ee madaxda Mareykanka iyo Ukraine ayaa fursad dahabiya u ah Ruushka, maadaama Washington ay ahayd dalka ay ku tiirsanayd oo taageerada ugu badan iyo hubka ka heli jirtay xukuumadda Kiev

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this