Deeq A. Posted Thursday at 03:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad-badeed la rumeysan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa afduubtay doon kalluumeysi oo Yemeni ah meel u dhow Xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Bayaanka ay soo saareen EUNAVFOR Atalanta, oo ah ciidanka badda ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday dhow – nooc ka mid ah doonyaha dhaqameed ee isticmaala badda Bariga Dhexe. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow deegaanka Eyl ee Soomaaliya, waxaana baaritaan ku socda wixii dhacay. Weerarkan ayaa yimid toban maalmood kadib markii burcad-badeed kale ay weerareen doon kalluumeysi oo Yemeni ah, taasoo ugu dambeyn burcad-badeeddii ay ka carareen, halka shaqaalihii saarnaa la badbaadiyey iyagoo aan waxyeello gaarin. Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaan-geliyay 237 weerar. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda la socodka burcad-badeedda Oceans Beyond Piracy, falalkan waxay xilligaas dhaqaale ahaan adduunka ugu kaceen $7 bilyan, halka madaxfurasho ahaan loo bixiyay ilaa $160 milyan. Weeraradan ayaa hoos u dhacay kadib: Xoojinta howlgallada caalamiga ah ee ciidanka badda, dhismaha dowlad dhexe oo awood leh oo ka howlgasha Muqdisho, iyo dadaallo kale oo lagu xakameynayo burcad-badeednimada. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa dib u soo laba kacleysay, taasoo la xiriirta kala-dambeyn la’aanta ka dhalatay dagaalka Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro ka fulinaya Badda Cas sababo la xiriira dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza. Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Badaha (International Maritime Bureau), sanadkii 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo burcad-badeednimo ah oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites