Sign in to follow this  
Deeq A.

SACIID DENI oo soo saaray amar ka dhan ah ajaanibta

Recommended Posts

Deeq A.   
deni.jpg?fit=515%2C540&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan.

Madaxweyne Deni ayaa amarkan ku socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

“Dhammaan hay’adaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, in ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka aysan soo geli karin gudaha deegaanada Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada uu soo saaray Siciid Deni.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la soo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaanibta soo galaya Puntland, taas oo muujinaysa in Puntland ay dejinayso qorshe ka madax-bannaan kan dowladda federaalka.

Amarka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland wuxuu salka ku hayaa dagaalka ay kooxda Daacish ku qaaday Puntland, iyadoo maamulka Puntland uu ogaadey in dagaalyahannada ku sugan buuraha ay u badan yihiin ajaanib.

Sidoo kale, amarkan wuxuu imaanayaa iyadoo inta badan la ururiyay oo la tarxiilay ajaanibtii sida sharci-darrada ah ku soo gashay Puntland, kuwaas oo laga soo qabtay magaalooyin ay ugu horreeyaan Boosaaso.

Tan iyo markii Puntland ay dagaal ku qaaday Daacish, shacabka Boosaaso waxay ka nasteen cabsi-gelintii, beegsigii iyo baadkii ay ku hayeen kooxda Daacish, oo ah ajaanib ka soo haajiray dalalkoodii, iyagoo isu yeeray ‘jihaadiyiin.’

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this