Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo raadineysa C/llaahi Wadaad – Ninka qaabilsan baadda shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay ku raad-joogto Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Shacabka Gobolka Banaadir, kaas oo la saaray xannibaad dhan walba ah.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxa ay ku raad-joogtaa horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullaahi Wadaad), oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Gobolka Banaadir, kaas oo ku guuldarreystay uruurinta baadda, kaddib markii uu NISA kala kulmay culeys joogto ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

NISA, ayaa shaacisay in si dhow ay ula socoto aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digtay la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama mar kasta ay beegsa karto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda NISA ayaa qofkii ay xogtiisu guuleysato ka balan qaaday inay heli doonto abaal marin maqaamkeedu sarreeyo.

Cabdullahi Wadaad oo ah ninkaan Wantedka ah ee dowladdu ku raad-joogto ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana la sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ku dhuumaaleysto.

Hoos ka eeg sawiradiisa
GkKctViWUAAHPCr.jpeg?resize=696%2C985&ss GkKctVkXkAARjrp.jpeg?resize=696%2C800&ss

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this