Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea ma waxay duulaan ku tahay Itoobiya? Xog xasaasi ah oo ka soo korortay gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5906.webp?fit=800%2C448&ssl=1

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn dagaal oo uga timid dhanka Itoobiya, kadib markii Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome uu sheegay in Eritrea ay diyaarinayso dagaal cusub oo ay doonayso inay ku qaaddo Itoobiya.

“Waxaa la joogaa xilligii tallaabo la qaadi lahaa, si looga hortago dagaal kale oo ka dhaca Geeska Afrika, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu xiisad uga abuuri lahaa waqooyiga Itoobiya,” ayaa lagu yiri warbixin Al Jazeera ka soo xigatay Madaxweynihii hore ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa qoraal dheer kasoo saaray eedeynta ka soo yeertay Itoobiya, isagoo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay, “Isha ay ka imaanayso dhibaatada gobolka waa Itoobiya ee ma aha meel kale.”

Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo mar soo noqday diblomaasi sare ayaa eedeyntiisa u cuskaday in Madaxweyne Afwerki uu xiisadda dhex taalla TPLF iyo xukuumadda dhexe ee Itoobiy u isticmaalayo fursad uu ku soo farageliyo arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeynta Itoobiya ka jawaabay ayaa yiri, “Waa eedeyn ka dhan ah Eritrea oo ku salaysan digniin been ah, eedeymahaas cad waxaa looga dan leeyahay in lagu qariyo oo loo qiil sameeyo ajendahooda ah inay dagaal abuuraan.”

Hadalka Wasiirka u hadlay Eritrea ayaa dib u xusuusinaya dadka dagaalkii qaraaraa ee dhex maray Itoobiya iyo Eritrea.

Xoogagga Eritrea iyo maleeshiyaad Amxaaro ah ayaa ku biiray ciidamada dawladda Itoobiya, bishii Maarso 2020-kii markii uu bilowday dagaalkii dhiiggu ku daatay ee dowladda federaalka Itoobiya ay ku qaaday ismaamulkii gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea wuxuu sheegay inay ka qayb qaateen dagaalkii gobolka Tigrey, isagoo yiri, “taasi waxay ahayd codsiga xukuumadda Itoobiya nooga yimid waana ka jawaabnay.”

Madaxweynihii hore ee Itoobiya ayaa eedeyntiisa ku sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu ka shaqaynayo inuu qaribo nabadda gobolka oo ay ku jiraan dalalka deriska ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Eritrea aysan raali ka aheyn oo weliba ka carootay heshiiskii Pretoria – Koonfur Afrika ay xukuumadda Abiy Axmed kula gashay raggii hoggaaminayey dagaalka xoggaga Tigray.

Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in heshiiskii Pretoria ee dagaalka soo afjaray uu ahaa arrin Itoobiya gudaheeda ah oo aysan ayaga khusayn, isagoo yiri “Eritrea ma aysan rabin inay arrimahaas gudaha ee Itoobiya faragashato.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this