Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareeggii koowaad ee wahdahadallo farsamo oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo daba socdey bayaankii Ankara ee labada dowladood kala sixiixdeen 11-kii Desember 2014, ayaa shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Guddiyo farsamo oo kala matalayey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku arkay shir labo geesood ah oo ay martigelisey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, waxaana labada guddi kala hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Gedion Timothewos, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ay ku yeesheen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga wejigii koowaad ee wada-xaajoodka farsamada

Warmurtiyeed kooban oo laga soo saaray gunaanudkii shirka ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo bayaankii Ankara, Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, oo kaashanaya Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, ay wafuudda labada dal ay isugu yimaadeen wadaxaajood looga gollahaa hirgelinta aragti ku qotonta dhabbaha lagu tiigsanayo mustqabal ku dhisan barwaaqo iyo xasillooni.

Warmurtiyeedku wuxuu kale oo tibaaxay in ‘intii lagu guda jirey wareeggii koowaad ee wadahadallada farsamada, labada guddiba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in sida ay tahay loo fuliyo waxyaabihii ku jirey Bayaankii Ankara’.

Warku wuxuu intaas ku daray in ‘Gudidu ay billaabeen in ay seeska u dhigaan howsha aragtidana loogu beddalayo ficil, islamarkaana lagu hiigsanayo horumar waara oo faa’ido u leh danaha laba geesoodka ah.

Ugu dambeyntii labada guddiba waxay uga mahadceliyeen dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u hayso diyaarinta wajiga labaad ee wadahadallada dhacaya bisha Maarso 2025.

Bishii December, hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga

Xigashada Sawirka,Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka,Bishii December, hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga,

Bishii December, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, waxayna ku heshiiyeen in la bilaabo wada-hadallo farsamo oo la doonayo in lagu gaaro heshiis macquul ah oo ilaalinaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo oggolaanayo Itoobiya inay hesho marin badeed.

Ka dib markii uu dhacay kulankaas ayuu wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da’uud Aweys yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo warmurtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso isqaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal”.

Luqaddii ay markaasi madaxdu adeegsanayeen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in “heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray”.

Soomaaliya waxay muddadii khilaafku taagnaa ku adkaysanaysay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, shardigaas oo u muuqda in uu hadda hirgalay, maadaama ay itoobiya sheegatay in ay u marayso danaheeda Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya.

Waa maxay sababta Turkigu ugu lug leeyahay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya?

Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah

Xigashada Sawirka,SNTV

Qoraalka sawirka,Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah

Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo Turkigu ka caawinayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada badda ee Geeska Afrika.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobiya ayaa codsatay in Turkiga uu fududeeyo wada hadallada.

Waxaa la soo jeedinayaa in Addis Ababa ay aad u daneyneyso in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo Soomaaliya ay olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ku dooneysay inay taageero uga hesho dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale dalalka Khaliijka.

Maxay tahay sababta arrintani muran badan u dhalisay?

Soomaaliya, Somaliland waxay u tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Soo jeedin kasta oo ah in ay heshiis la gasho waddan kale ama in yar oo ka mid ah la kirayn karo iyada oo aan oggolaansho laga helin Muqdisho waa saameyn weyn.

Maalin kadib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida”. Waxa kale oo ay u yeeratay safiirkeedii Addis Ababa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa markii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Isla markii uu heshiiskaasi dhammaaday, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa sii kordhiyey isagoo yiri: “Waan difaaci doonnaa dalkeenna, waanu difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, waxaana taageero weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.

Waxa uu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, waxa uuna Itoobiya ku tilmaamay cadowga dalkiisa.

Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xafiiltan soo jireen ah.

Sanadihii 1977 iyo 1978, Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo ay ku doonayeen in ay ku maamulaan dhulka hadda loo yaqaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskaasi, iyadoo tobanaan kun ay isugu soo baxeen.

 

 

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this