Sign in to follow this  
Deeq A.

Guusha dawladda Djibouti ka soo hoysay hogaaminta midawga Africa iyo waayaha ku gadaaman

Recommended Posts

Deeq A.   

1000076690.jpg

π—šπ—¨π—¨π—¦π—›π—” 𝗗𝗔π—ͺπ—Ÿπ—”π——π—” π——π—π—œπ—•π—’π—¨π—§π—œ π—žπ—” 𝗦𝗒𝗒 𝗛𝗒𝗬𝗦𝗔𝗬 π—›π—’π—šπ—”π—”π— π—œπ—‘π—§π—” π— π—œπ——π—’π—ͺπ—šπ—” 𝗔𝗙π—₯π—œπ—–π—” π—œπ—¬π—’ π—ͺ𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 π—žπ—¨ π—šπ—˜π——π—”π—”π— π—”π—‘.

Guusha dawladdq Djibouti ka soo hoysay hogaaminta midawga Africa iyo waayahz ku gadaaman

Shirkii midowga Africa ee ka dhacay Addis-ababa 15 iyo 16 February 2025 waxa gudoomiye loo doortay Mohamoud Ali Yusuf oo ah wasiirka arimaha dibada Djibouti mudada afarta sanadood ee inagu soo fool leh hogaamin doona.

Waxa uu ahaa tartan u dhexeeyey dawladaha Geeska Africa oo iyagu leh hogaaminta afarta sano ee soo socda waxaanu tartankaasi dhex maray dawladaha Djibouti, Kenya & Madagascar oo ay ka kala socdeen Mohamoud Ali Yusuf ( Djibouti) , Raila Odinga ( Kenya ), iyo Richard Randriamandrato ( Madagascar).

π˜Žπ˜Œπ˜Œπ˜šπ˜’π˜ˆ π˜ˆπ˜π˜™π˜π˜Šπ˜ˆ π˜π˜–π˜Žπ˜ˆπ˜ˆπ˜”π˜π˜•π˜›π˜ˆ π˜”π˜π˜‹π˜–π˜žπ˜Žπ˜ˆ π˜ˆπ˜π˜™π˜π˜Šπ˜ˆ 𝘌𝘌 π˜‹π˜‘π˜π˜‰π˜–π˜œπ˜›π˜ π˜”π˜ˆπ˜Ÿπ˜ˆπ˜  π˜’π˜œ π˜šπ˜–π˜– π˜’π˜–π˜™π˜‹π˜π˜π˜• π˜‹π˜–π˜–π˜•π˜›π˜ˆπ˜ˆ?

Waa su’aal u baahan jawaab in loo helo , maadaama Gobolka Geeska Africa yahay gobol aan xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo rasmi ahi ka jirin mudo dheer , sidoo kale ka mid ah gobolada marka Africa inteeda kale loo eego ugu hooseeya xaga dhaqaalaha , nolosha iyo horumarka.

Waxa aan is leeyahay wax badan la qaban kari maayo oo ururka midowga Africa laftiisa ayaan awoodiisa iyo aaminaadiisu midina weynayn , kaliya waxa lagu guuleystay uun in Africa urur ay wada leedahay sameysato , yoolka ugu weyn iyo hiigsiga midowga Africa waxaa la yidhaahdaa 2063 Africa horumarsan , degan , nabdoon oo dunida la jaanqaada in la gaadho , laakiin sida wax u socdaan ma muuqato.

Geeska Africa oo ka mid ah meelaha u baahan in hawl weyn laga qabto sida Somaliland & Somalia , xaaladaha Sudan , Erateria iyo Djibouti , south Sudan lafteeda iyo siyaasadaha baaxaa degaya ee marba dalal is xulafaysi yeelanayaan , sida Somaliland iyo Ethiopia, Ethiopia iyo Somalia , Djibouti iyo Somalia , waa hawl weyn oo u taala midowga Africa.

π˜”π˜ˆπ˜Ÿπ˜ˆπ˜  π˜ π˜π˜π˜π˜π˜• π˜π˜ˆπ˜žπ˜“π˜ˆπ˜π˜ˆ π˜π˜–π˜™π˜ π˜ˆπ˜ˆπ˜“π˜ˆ π˜”π˜π˜‹π˜–π˜žπ˜Žπ˜ˆ π˜ˆπ˜π˜™π˜π˜Šπ˜ˆ π˜šπ˜ˆπ˜•π˜ˆπ˜‹π˜ˆπ˜π˜ˆ π˜π˜•π˜ˆπ˜Žπ˜œ π˜šπ˜–π˜– π˜π˜–π˜–π˜“ π˜“π˜Œπ˜ ?

Africa arinkeegu waa halkii uu ka gabyey Abwaan Abdilahi Suldan timocade ee ahaa ” Markuu dab bakhtiyoba meel kalaa dogob ka qiiqaaye ” oo ah marka la is yidhaahdo raysate ba dhibaato hor leh ayaa bilaabanta , markaa lama yareysan karo hawlaha horyaalla midowga Africa, laakiin hadii aynu wax ka taataabano ;

1- Waxay ku beegmeen xili aduunkii dhaqaalaha ku bixin jirey xasilinta Africa sida USA, UK iyo EU dib uga fekerayaan dhaqaalaha caawimada ah ee Africa la siiyo , arinkaasi oo caqabad hor leh ku noqon doonta hogaanka cusub ee loo doortay midowga Africa.

Maxay ahaayeen lacagaha Africa la siiyo ee wadadamada iyo ururada aynu soo sheegnay siin jireen qaarada Africa?

Qaarada Africa waxay noqotay aduunka meesha ugu hayaanka badan ee dadkeegu ku qulquleen wadamada Europe iyo maraykanka , arimahani oo sababay culeysyo badan oo ay dareemeen dawladaha Europe iyo maraykanka oo dadka inta ugu badani tagi jireen.

Haddaba markii mudo dheer la darsayey waxaa la isla gartay in Africa la xasiliyo oo dawladaha ka jira la taageero si fursad loogu helo in dadka soconaya u negaadaan , sidoo kale kheyraadka dihin ee wadamadooda looga faaiideeyo.

Qorshahaasi waxa kale oo qaatay qaramada midoobay ( UN ) iyo Baanka Aduunka ( World Bank ) oo iyaguna qorshe daraasadahaasi laga helay ku jaangooyey siyaasadooda lagu maamulo mucaawimooyinka iyo taakulooyinka horumarinta , inkasta oo aan ilaa hadda ujeedo la taaban karo la gaadhin.

2- Colaadaha soo noq-noqda ee dawladaha Africa oo intooda badani ka yimaadaan awood ku dirir , kala hororsiga khayraadka iyo dhinaatooyin xuduudaha dawladaha Africa ah dhib ururku mudo dheer war bixino faro badan iyo xeerar ka soo saarayey.

3- Abaaraha , isbadelka cimilada iyo faqriga oo qaarada Africa saameyn xoogan ku yeeshay , gaar ahaan isbadelka cimilada aduunka ee ay sababeen wadamada wershadaha ka horumaray waxay dhibtiisa ugu badani saameysaa qaarada Africa, waa dood taagan oo madax badan oo qaarada ahi ku dhiiratay inay ka hadasho.

4- Cudurada faafa iyo caafimaad darida oo qaarada Africa tahay halka aduunka ugu nugul marka aad eegto sidii ay u saameeyeen cudurada HIV/AIDS , Anthrax, Avian influenza, chicugunya, cholera, covid-19, Crimean-Congo haemorrhagic fever , Dengue Fever , Ebola Virus Disease, Hepatitis B virus , Hepatitis C virus, Hepatitis E Virus, lassa fever, Malaria , Marburg virus disease, measles, Meningococcal meningitis , middle east respiratory syndrome, mpox, plague, poliomiyilties, rift valley fever, tuberculosis, yellow fever, zika virus.

5- Dagaalada aaraa iyo aragti ku dirirka ee loo yaqaano argagixisada oo qaarada Afrika gaar ahaan galbeedka, badhtamaha , waqooyiga iyo barigaba halis weyn ku haya oo aan baryahaa laga gayoonayn ayaa ka mid ah hawlaha ururka ugu adag ee horyaalla.

π˜π˜–π˜Žπ˜ˆπ˜ˆπ˜”π˜π˜•π˜›π˜ˆ π˜‹π˜‘π˜π˜‰π˜–π˜œπ˜›π˜ π˜π˜ˆπ˜“π˜’π˜ˆπ˜  π˜’π˜ˆ π˜‰π˜π˜“π˜ˆπ˜ˆπ˜‰π˜ π˜‹π˜–π˜–π˜•π˜›π˜ˆπ˜ˆ π˜π˜ˆπ˜žπ˜“π˜ˆπ˜π˜ˆ ( 𝘈𝘜 ) π˜”π˜ˆπ˜Ÿπ˜ˆπ˜ π˜šπ˜Œ π˜™π˜ˆπ˜ˆπ˜‹ π˜’π˜ˆ π˜›π˜ˆπ˜Žπ˜ π˜‹π˜–π˜–π˜•π˜›π˜ˆπ˜ˆ ?

Maah-maah qalaad baa tidhaahda ( Charity begins home ) oo macno ahaan loo soo qaato hawl walba hoygaaga ayaa laga bilaabaa , markaa dalka Djibouti mandaqada uu ku yaallo ee hogaaminta iska leh ayaan filayaa inuu xalkeeda iyo xasilinteeda ka bilaabi doonto hawlaha qaarada Africa ee laga sugayona waxaa ugu waaweyn ;

1- Qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya dhex taala, oo ah kiis taagnaa muddo dheer , hogaaminta Djibouti arinkaasi waxa uu u noqon doonaa bar bilow iyo meel wax ka bilaabmaan , hadii lagu guuleystona waxay noqoneysaa taariikhda Djibouti kaga suntanaan doonto hogaaminteedu dawladihii uga horeeyey hogaaminta AU ( legacy).

2- Degananshaha nabadeed ee gobolka Geeska Africa oo aan fadhiyin oo u baahan in si dhab ah loo lafo guro dadka gobolkani ku nool ee lagu qiyaaso laba boqol afartan iyo sideed milyan ( 248 ee qof u horseeda mustaqbal iyo nolol wanaagsan.

3- Ururka gobolka Geeska Africa leeyahay ee IGAD oo aan awood badan lahayn ama aad u liita marka urur goboleedada kale loo eego oo isagana dib u dhis iyo kor u qaadid lagu sameeyo.

4- Gobolka Geeska Africa oo loo sameeyo urur goboleed dhaqaale sida Ururka dawladaha bariga Africa ah oo fududeeya ganacsiga , maalgashiga , isku socodka dadka iyo kor u qaadida is-ahaanshaha dadka gobolka Geeska Africa ku nool.

π˜‘π˜ˆπ˜”π˜π˜œπ˜œπ˜™π˜π˜ π˜ˆπ˜‹π˜ˆ π˜šπ˜–π˜”π˜ˆπ˜“π˜π˜“π˜ˆπ˜•π˜‹ π˜”π˜ˆπ˜Ÿπ˜ˆπ˜  𝘜𝘎𝘈 π˜‹π˜π˜π˜Žπ˜ˆπ˜• π˜›π˜ˆπ˜π˜ˆπ˜  𝘎𝘜𝘜𝘚𝘏𝘈 π˜‹π˜‘π˜π˜‰π˜–π˜œπ˜›π˜ 𝘌𝘌 π˜π˜–π˜Žπ˜ˆπ˜ˆπ˜”π˜π˜•π˜›π˜ˆ π˜”π˜π˜‹π˜–π˜žπ˜Žπ˜ˆ π˜ˆπ˜π˜™π˜π˜Šπ˜ˆ?

Dadka Jamhuuriyada Somaliland ayaan guud ahaan ku farxin in Djibouti hogaamiso midowga Africa iyaga oo ku sababaynaya qodobadan soo socda ;

1- Xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Djibouti oo mudooyinkii ugu dambeeyay aan wanaagsanayn ka dib markii danaha dawladaha iyo tartanka istaratijiyaduhu sababeen waji dadab xoogan.

2- Tartanka dekedaha iyo horumarka ee ka dhexeeya Djibouti iyo Somaliland oo dadka jamhuuriyada Somaliland u arkaan inay Djibouti uga faaiideysan doonto xilkaasi weyn ee hogaaminta midowga Africa.

3- Djibouti oo aan dhex-dhexaad iyo kaalin cadaaladeed siyaasadeedu ku fadhiyin marka Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya arimahooga noqoto , arinkaasi oo halis ku ah masiirka qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyada jamhuuriyada oo midowga Africa iyo wadamo badani hore uga garaabeen sharcinameeda , xaqnimadeeda iyo kasbashadeeda aqoonsi caalamiya inay hesho.

π˜”π˜ˆ π˜‹π˜π˜π˜Šπ˜ π˜’π˜ˆπ˜™π˜›π˜ˆπ˜ˆ π˜π˜• π˜‹π˜‘π˜π˜‰π˜–π˜œπ˜›π˜ π˜π˜–π˜Žπ˜ˆπ˜ˆπ˜”π˜π˜•π˜›π˜Œπ˜Œπ˜‹π˜œ π˜šπ˜–π˜– π˜‹π˜Œπ˜‹π˜Œπ˜‘π˜π˜šπ˜– π˜ˆπ˜˜π˜–π˜–π˜•π˜šπ˜π˜Žπ˜ˆ π˜‘π˜ˆπ˜”π˜π˜œπ˜œπ˜™π˜π˜ π˜ˆπ˜‹π˜ˆ π˜šπ˜–π˜”π˜ˆπ˜“π˜π˜“π˜ˆπ˜•π˜‹?

Waa su’aal aad in la isku weydiiyo ay noqoneyso xiligan oo dhinaca dadka jamhuuriyada Somaliland ka istaageen maaha e dhinac kale laga soo istaagi karo sababahan awgood;

1- Djibouti hadii ay si ka madax banaan nidaamkii siyaasada dalkooga ku hogaamiyaan midowga Africa waxaa dhici karta inay noqdaan dalka qaata libinta dhameystirka Geeska Africa iyo bariga Africa arimaha yaalla oo qadiyada jamhuuriyada Somaliland ka mid tahay oo horena u saaran miiska midowga Africa iyaga oo war bixintii xaqiiqo raadinta ee 2005 na xaqiijisay inay jamhuuriyada Somaliland mudan tahay aqoonsi.

2- Djibouti hadii ay ku daaleen iyaga oo dal ah arimaha soomaalida oo muddo 35 sanadood ah ay la raadinayeen nabadgalyo , dawlad dhis iyo deganaansho reer Muqdisho, suuragal ma tahay hindisaha laba dal oo deris ah walaalo ah in lagu dhameyn karo Somaliland iyo Soomaaliya xaaladooda , Haa waa la odhan karaa in fekerkaasi yimaado oo laga fekero inaan Geeska Africa ragaad sii ahaan sanooyin badan oo dambe.

Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
Senior politics and Geopolitics Analyst

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this