Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo su’aal geliyay faa’iidada dalkiisa ugu jirta taageerada UKraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump oo ka hadlayay xaaladda Ukraine ayaa sheegay in Mareykanka uu dalkaas geliyay lacag ku dhow $200 oo bilyan, balse hantidaasi meel ka baxday aan la garanayn oo xittaa madaxweyne Zelenskiy aanu aqoon.

Trump wuxuu intaas ku daray in dagaalka Ukraine uu yahay mid aan caqli gal ahayn, islamarkaana ay  jiraan magaalooyin u eg Gaza oo aan lahayn dhismayaal sax ah, Ruushkuna uu doonayo inuu halkaas ku soo afjaro duullaankiisa.

“Caannimadii Zelensky hoos ayay u dhacday, karti la’aantiisuna waa mid aan la garan karin oo aan la aqoon waxa uu qabanayo, sidoo kale ma oga halka ay gashay kala bar lacagtii 350 bilyan ahayd ee aan siinay Ukraine” ayuu yiri Donald Trump.

Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxweyne Zelenskiy uu ku hadlo erayo lagu qoslo, hogaankiisuna waxa uu ogolyahay in dagaalku sii socdo, taas uu muujinaysa in maamulka cusub ee Mareykanka aanu la dhacsanayn qaabka ay wax u waddo xukuumadda Ukraine.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanka iyo Ruushka shir ku saabsan Dagaalka Ukraine ay ku yeesheen magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, sidoo kalena dalalka Yurub ay isla arrintaas magaalada Munich ee dalka Jarmalka uga arrinsadeen, balse labada kulan aan laga talo-gelin xukuumadda Kiev.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this