Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad adag oo ka taagan Ceelbuur kadib dagaalkii Al-Shabaab iyo shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Macawiisley-2.jpeg?fit=2048%2C1368&ssl=1

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta degmada Ceelbuur ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeysa dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weli gacanta ku haya degmadaas.

Xiisaddan ayaa daba socota weerar ay maalin ka hor dadka deegaanka ku qaadeen guri uu Ceelbuur ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday guriga horjoogahan, oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horjooge Yaxye Laba Madax ayaa la soo wariyay in dhaawac halis ah uu soo gaaray, kadib markii dadka deegaanka ay ku beegsadeen xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, waxaana shacabka Ceelbuur ay haatan wadaan abaabul ay isaga dulqaadayaan dhibaatada ay kala kulmaan kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, oo ka hadlay xaaladdan soo korortay, ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda degmada ay bilaabeen dagaal lagu xoreynayo deegaankooda, ayna ku bogaadinayaan dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Nuur Guutaale ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay ka gacan siiso dagaalka ay kula jiraan argagixisada, si looga xoreeyo degmada Ceelbuur.

“Shacabkii ayaa adkeysan waayay, go’aanna ku qaatay inay Al-Shabaab iska dulqaadaan. Waa in ay dowladda lasoo garab istaagtaa taageero nooc walba leh, waxaana jirta rajo wanaagsan in Al-Shabaab magaalada laga saari doono,” ayuu yiri guddoomiyaha Ceelbuur.

Si kastaba, howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this