Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada 4 nin oo Sweden ay ku ridday xukun adag kadib markii ay Soomaaliya…

Recommended Posts

Deeq A.   
Sweden-2.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukuntay afar nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish (ISIS), iyaga oo ku lug lahaa hawlo ay ka mid yihiin qorista xubno cusub, faafinta fikradaha kooxda, iyo tababarada hubka. Maxkamaddu waxay raggan ku xukuntay xabsiyo u dhexeeya saddex sano ilaa lix sano iyo bar.

Bayaan ay soo saartay, Maxkamadda Degmada Nacka waxay sheegtay in falalka kala duwan ee raggan, oo dhammaantood ah muwaadiniin Swedish ah, ay caddeyn u ahaayeen in ay ka tirsanaayeen kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2023 iyo 2024.

“Howlahooda waxa ka mid ahaa qorista xubno cusub oo kooxda ku biira, faafinta afkaartooda, tababarka hubka, iyo bixinta talooyin la xiriira ururka,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda.

Saddex ka mid ah raggan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen fal argagixiso oo ka dhici lahaa gudaha Sweden sanadihii 2023 iyo 2024 iyagoo magaca Daacish ku howlgalaya, balse maxkamaddu wey sii daysay eeddaas, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda.

“Maxkamaddu ma aysan arkin caddeyn ku filan oo muujinaysa qorshe cad oo lagu fulin lahaa weerar argagixiso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah;

  • Omar Yasser Ahmed Atia, 21 jir.
  • Daniel Elias Johansson, 25 jir.
  • Rasmus Erik Johansson, 23 jir.
  • Elyas Mohamed Hakamali, 63 jir.

Dacwad-oogeyaasha ayaa bishii December maxkamadda u gudbiyay dacwadda, iyaga oo sheegay in saddexda nin ay damacsanaayeen inay dilaan ama waxyeelleeyaan dad kale, balse ma shaacin bartilmaameed gaar ah.

Qareenka u doodayay Omar Yasser Ahmed Atia, oo 21 jir ah, laguna xukumay lix sano iyo bar, ayaa sheegay in macaamilkiisa rafcaan ka qaadan doono xukunka.

Qareenka Rasmus Erik Johansson, oo 23 jir ah, laguna xukumay shan sano iyo bar, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo go’aanka maxkamadda.

Qareennada Elyas Mohamed Hakamali, oo 63 jir ah, laguna xukumay saddex sano, iyo Daniel Elias Johansson, oo 25 jir ah, laguna xukumay lix sano, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada faallo weydiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this