Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo tallaabadiisi u horreysay ku beegsaday Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahmoud-Ali-Youssouf-scaled.jpg?fit=2560

Jabuuti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo dhowaan uun xilkaas uga guuleystay Raila Odinga ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda Kenya oo ku howlan dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya dalka Suudaan.

Guddoomiyaha ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ee ku aadan saxiixa heshiis ku aadan xaaladda Suudaan, isaga oo sheegay inuu hal dhinac ka raran yahay, isla markaana uu uga sii dari karo xaaladda diblumaasiyadeed ee gobolka.

“Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka”.

Kenya ayaa marti-gelin u samaysay xoogagga mucaaradka ee waddanka Suudaan, laakiin waxaa arrintaasi durbadiiba walaac xoogleh ka muujisay dowladda dalkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Go’aanka Kenya ee martigelinta saxiix heshiis siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhinacyada isku haya Suudaan wuxuu gobalka gelinayaa xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

In kasta oo Nairobi ay muddo dheer caan ku ahayd dhexdhexaadinta colaadaha gobolka, tallaabadan halista leh ayaa ka dhigaysa in lagu eedeeyo inay u xaglineyso dhinaca RSF.

Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin.

Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Si ay u sii ahaato dhexdhexaadiye lagu kalsoonaan karo, Kenya waa inay si taxaddar leh u maareysaa doorkeeda, iyada oo xoojinaysa dhexdhexaadnimada iyo wadahadallo loo dhan yahay. Haddii ay doonayso in ay sii ahaato hormuud nabadeed, waa in ay hubisaa in dadaalkeedu aanu sii hurin xiisadda balse uu horseedo xal waara oo ay dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this