Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal ka soo yeeray wasiir ka tirsan DF oo shaki weyn dhaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Macallin.jpeg?fit=2048%2C2023&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin, kadib markii madal ay ku shirayeen xubnaha Xisbiga Madaxweynaha ee UPD uu ka sheegay in saraakiishii magaalada Muqdisho ku sugneyd loo diray furimaha dagaalka, kuwaas oo qaarkood la dilay.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in inta badan saraakiishii dhibi jiray shacabka  la howl-geliyay, isla markaana loo diray shaqadooda oo ah la dagaallanka argagaxisada.

“Saraakiishii banaan-baxayaasha baacsan jiray oo xabadeyn jiray waxaa loo diray furimaha mar kale dad ma dhibi doonaan,“ ayuu yiri wasiirka cadaalada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa dhaliyay carro xoogan iyo tuhun wayn, waxaana dadka qaar oo ka fal-celiyay ay su’aallo ka keeneen hadalka wasiirka, maadaama horay dagaallada socda loogu laayay saraakiil muhiim ah oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa ciidanka qalabka sida.

Haddaba sidee looga fal-celiyayay hadalka kasoo yeeray wasiirka?

Cabdixakiin Macallin Nuur Xuseen: “Saraakiishii waan shir-qoolnay oo cad waaye warkaan”.

Gacal Ayman: “Xasan Macallinow, Jacfar waa joogaa furimaha ma jiro, taas xisaabta ku darso!”.

Ayuub Isaaq: “Run badana inta furimaha u direen ayay hawada ku cuneen Farxaan Qaroole ayaa ka mid ahaa ilaah ha u naxariiisto”.

Abuukar Gaatamow: “Shakigaas horaa loo qabay, haddane wa midaa caddesay wixii cabsi idin galiyo in la mashimo wa la idinku yaqiinay”.

Maxamuud Akid: “Koley waxa saas looga diganaayo waa Shaah Macabe, Farxaan Qaroole IWM AHU dee!”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this