Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh ma isku dhigi doona duullaanka Xamza ku wajahan mise?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-Xamsa-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmi doona 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota. Furitaanka kalfadhigga ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo guuxa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Marka laga hadlayo Golaha Shacabka, xukuumaddu waxay heli kartaa illaa 60 wasiiro oo kamid ah Golaha Wasiirrada, 30 xildhibaanno oo lacago yaryar la siiyo bishii iyo 30 xildhibaan oo dhulal iyo dano qandaraasyo ah kula jooga dowladda. Tiradaas waa 120 xildhibaan, wallow kuwa qandaraasyada iyo dhulalka qaata ay u badan yihiin xildhibaanno waaweyn oo aan banaanka usoo istaagi doonin difaaca ra’iisul wasaare Xamza.

155 xildhibaan oo Golaha Shacabka ayaa diidan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza iyo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Laakiin intooda badan mabda’ ahaan uma diidana ee dano gaar ah ayey isku hayaan, sida; dhaqaale, dhulalka baddi la siiyay xildhibaannada ku haybta ah madaxweynaha, iyo qaar aaminsan in haddii xukuumad cusub timaado inay wasiiro heli karaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza tan iyo markii uu xukunka yimid markaan ayuu si dhab ah u dareemaya culeyska diidmada baarlamaanka, mana ahan nin ku filan inuu isdifaaco, maadaama uu isagu haynin faylka xildhibaannada, midka dhaqaalaha iyo kan ciidanka midna.

Haddaba, weydiintu waxay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ma difaaci doonaa Xamza?

Waxaan muran badan ka taagneyn in haddii madaxweynuhu dhexda u xirto howshan inuu ra’iisul wasaaraha ka badbaadin karo mooshinkan, balse waa lagu kala aragti duwan yahay inuu Xasan Sheekh diyaar u yahay inuu xilligaan difaaco ra’iisul wasaare Xamza.

Dadka qaar waxay leeyihiin Xasan Sheekh waa ku caajisay Xamza. Ra’iisul Wasaare aan qabiilkiisa haysan, maamul goboleedyada reerkiisa tagi karin oo heshiisna la aheyn, amniga wax ku biirin karin, dhaqaale dibadda kasoo raadin karin, dhanka beesha caalamka wax badan ka gelin, siyaasadda gudaha aan xalin karin, aragtida doorashada aan iibin karin, baarlamaanka kaa xigsan karin oo aan wax shaqo ah kaaga aadaneyn waa adag tahay inaad haysato.

Waxaa intaa dheer fadhiidnimada inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada, sidaas darteed madaxweynuhu dagaal badan uma gali doono difaaca ra’iisul wasaaraha haddii uuba arko inuu mooshinka dhab ka yahay xildhibaannada Golaha Shacabka, ayey dadka qaar leeyihiin.

Inuu ra’iisul wasaaraha gacan kale ku baxo intuu isaga eersan lahaa inay isaga daawo u tahay Xasan Sheekh, ayaa loo badinayaa.

Qeyb kale oo dadka siyaasadda ka hadla waxay leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh waa difaacanayaa ra’iisul wasaare Xamza oo waa kala furfuri doona mooshinka, sababtoo ah waa adag tahay inuu Xasan Sheekh helo qof kale oo sida Xamza wax walba oo qaldan ku raaci kara.

Indhaha ayaa lagu wada hayaa sida uu madaxweyne Xasan Sheekh arrintaan u wajaho, iyadoo dhaq-dhaqaaqiisa maalmahan soo aadan laga dareemi doono “diidid iyo doonis midii uu qabo”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this