Sign in to follow this  
Deeq A.

Mowqifka Bin Zayed ee qorshaha lagu rarayo shacabka Gaza oo banaanka yimid

Recommended Posts

Deeq A.   
Mohammed-bin-Zayed-Marco-Rubio-scaled.jp

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Arbacadii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, oo booqasho ku tegay Abu Dhabi, in Imaaraadku si adag uga soo horjeedo barakicinta Falastiiniyiinta, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Sheekh Mohammed “wuxuu xaqiijiyay mowqifka adag ee Imaaraadka ee ka dhanka ah dadaal kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda,” ayey tiri wakaaladda wararka ee WAM.

Rubio ayaa ka ambabaxay Abu Dhabi kadib booqasho gaaban oo uu ku tegay Imaaraadka, taasoo ahayd qeybtii ugu dambeysay ee safarkiisii ugu horreeyay ee Bariga Dhexe. Safarkiisa ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan qorshaha uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ah in Gaza la geliyo gacanta Mareykanka isla markaana dadkeeda la raro.

Intii uu safarka ku jiray, Rubio wuxuu sidoo kale Talaadadii wadahadallo muhiim ah kula yeeshay magaalada Riyadh saraakiil Ruush ah, iyadoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Imaaraadka “wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib u dhiska Gaza uu la socdo hannaan horseedaya nabad waarta oo ku saleysan xalka laba dowladood,” sida ay WAM werisay.

Booqashada Rubio ee Imaaraadka ayaa ku soo beegantay kahor shir ka dhici doona Sacuudiga maalinta Jimcaha, kaasoo ay ka qeyb galayaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Masar iyo Urdun, si ay uga arrinsadaan qorshaha Trump ee ku saabsan Gaza.

Maamulka Trump, oo gabi ahaanba diidan in Hamas door ku yeelato mustaqbalka dhulka Falastiiniyiinta, ayaa dalalka Carabta ka dalbaday inay keenaan qorshe beddel u ah qorshihiisa. Dalalka Carabta, si weyn ayay uga soo horjeedaan barakicinta Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanku la wareego maamulka Marinka Gaza, oo burbur xoogan soo gaaray kadib 15 bilood oo dagaal ay Israa’iil wadday ah, halka 2.4 milyan oo qof oo degan Gaza loo raro dalalka deriska ah sida Urdun iyo Masar.

Isniintii, intii uu ku sugnaa Sacuudiga, Rubio wuxuu la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, isagoo adkeeyay “muhimadda ay leedahay in la helo xal Gaza oo gacan ka geysan kara xasilloonida gobolka,” sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.

Axaddii, intii uu ku sugnaa magaalada Qudus, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka wuxuu ballanqaaday taageero buuxda oo Mareykanku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo Israa’iil siiyay oggolaansho buuxa oo ay ugu dhaqaaqi karto sidii ay doonto xaaladda Gaza, halkaas oo xabad-joojin jilicsan ay dhaqan-gashay 19-kii Janaayo.

Talaadadii, Rubio wuxuu hoggaaminayay wafdi Mareykan ah oo wadahadallo aan caadi ahayn kula yeeshay magaalada Riyadh wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this