Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad oo ku taliyay arrin yaab leh kadib weerarkii Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-Xasan.jpeg?fit=2500%2C1600&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan oo weeraray xubnaha mucaaradka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka isbitaal laga hirgeliyay degmada Hodan ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo si cad u beeniyay eedeymahooda sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh.

“Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed.

Intaas kadib waxaa soo hadlay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku taliyay arrin yaableh, isaga oo soo jeediyay in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca, sida u hadalka u dhigay.

“Anigoo tixraacaya hadalka Madaxweynaha ee ahaa qofkii Madaxda wax ka sheega isbitaal hala geeyo oo nafsiyan haloo baaro, waxaan soo jeedinayaa in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu Fahad soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qeybtaas waxaa lagu baarayaa xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, kadibna natiijada baaritaankaas loo fasaxo iney dadweynaha daalacdaan”.

Arrintan ayaa daba socota eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this