Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Laftagareen oo xiray musharax caan ah, shuruudna ku xiray sii-dayntiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
lafta-gareen.jpg?fit=1500%2C900&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Galbeed, Dr. Ibraahim Macalin Nuurow, ayaa lagu xiray magaalada Baydhaba, kadib markii uu dhaliil u jeediyay hoggaamiyaha maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen.

Dr. Ibraahim, oo ah musharrax isku diyaarinaya inuu la tartamo Laftagareen doorashada soo socota, ayaa la xiray amarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Wararka la helayo ayaa sheegaya in sii deyntiisa lagu xiray shuruudo uu dhigay Laftagareen.

Siyaasiyiin waaweyn oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa u tegay Laftagareen, iyaga oo ka codsaday in musharraxa la sii daayo. Hase yeeshee, Laftagareen ayaa dalbaday in Dr. Ibraahim uu raalli-gelin ka bixiyo eedeymihii uu warbaahinta mariyey.

Dr. Ibraahim Macalin Nuurow ayaa Laftagareen ku eedeeyay in uu maamulka Koonfur Galbeed ku hoggaaminayo hab xun, isla markaana uu maamulkaas ka jiro maamul-xumo iyo amni darro. Waxa uu tilmaamay in horumar la’aanta jirta ay sabab u tahay hoggaan-xumo.

Dr.-Ibraahim-Macalin.png?resize=696%2C63

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad ugu sheegay ergadii u tegay inuusan sii deyn doonin Dr. Ibraahim illaa uu cafis weydiisto.

Musharraxa xiran ayaa ah ganacsade caan ah oo isbitaallo ka hirgeliyay Koonfur Galbeed, halkaas oo dad badan ay daawo ka helaan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladiisa loogu dhimriyo macaamiisha aan awoodin qarashaadka daaweynta.

Dr. Ibraahim kaliya ma aha shaqsiga Laftagareen u xiray arrimo siyaasadeed, balse waxaa jira siyaasiyiin kale, gaar ahaan dhalinyaro aan caan ahayn, abwaanno iyo dad kale oo xabsiyada ka buuxa, kuwaas oo loo xiray aragtiyadooda siyaasadeed.

Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka baqaya inay dib ugu laabtaan deegaanadooda, cabsi ay ka qabaan Laftagareen darteed. Kuwaas oo intooda badan ku sugan Muqdisho, iyagoo ka quustay inay dib ugu laabtaan Baydhaba.

Siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed ee aan Baydhaba tagi karin waxaa ka mid ah Wasiirka Awqaafta Dowladda Federaalka Mukhtaar Roobow, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Senatar hore iyo agaasimihii hore ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud, iyo xubno kale oo saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this