Deeq A. Posted February 18 Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa weli sii wada dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Daacish, waxaana ciidamdeeda ay kusii siqayaan godadka waa wayn ee ku hoos yaalla buuraha hoostooda ee gobolka Bari, halkaas oo uu ka socda howlgal xoreyn ah. Ciidamada Puntland ayaa illaa iyo hadda dagaalkan ka gaaray guullo waa wayn, taas oo keentay in si weyn gudaha iyo dibadda laga taageero, maadaama ay tirtirayaan argagixisada. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay xog cusub iyo xeelad Puntland u horseeday guusha dagaalka ay haatan kula jirto Daacishta ku sugan aagga Calmiskaad. Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in marka laga tego dagaalka tooska ah ay hay’adaha ammaanka Puntland diiradda saareen arrimaha gudaha, si looga hortago dhagarta ay soo maleegaan xubnaha argagixisadaha ee kooxda Daacish, isaga oo tilmaamay in laga hortegay weeraro qaraxyo ah oo la doonayay in dhibaato lagu gaysto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo qabtay dad badan oo lacago usoo uruurin jiray Daacish, taasina ay keentay in la jabiyo kooxda, lana awood tiro. “Waxan rabaaa inaan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan ayaan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa”, ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir. Dhinaca kale wuxuu taliyuhu ku baaqay in lasii xoojiyo howlgalkan, isaga oo sidoo kale shacabka ku amaanay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka. “Halganbaa ku jirna, waxaa muhiim ah inaan kor usii qaadno oo lasii laba jibaaro saadka, guushana waxba nooga ma dhino” ayuu hadalkiia sii raaciyay. Share this post Link to post Share on other sites