Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 250 urur oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo dhoofiyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 250 ururrada bulshada rayidka ah ee caalamka kamid ah ayaa warqad ay soo saareen ugu baaqeen dawladaha soo saara diyaaradaha F-35 inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaanIsraa’iil.

Ururradan ayaa sheegay in marka la eego jilicsanaanta xabbad-joojinta Qasa ay lagama maarmaan tahay joojinta hubka loo dhoofiyo maamulka Israa’iil, si aysan mar kale ugu adeegsan dagaalka Qasa.

Maamulka Israa’iil ayaa muddo 15 bilood ah duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic ku garaacayay marinka Qasa, taas oo sababtay dhimashada in ku dhowaad 50 kun oo qof iyo burbur dhulka la simay dhismeyaashii Qasa intoodii badnayd.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this