Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ururka ganacsiga adduunka kala hadashay sidii ay ugu biiri lahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.

Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay Soomaaliya uga mid noqonayso ururkan caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay in hannaankan laga miro-dhaliyo, si Soomaaliya ay xubin rasmi ah uga noqoto WTO.

Dr. Ngozi Okonjo-Iweala, ayaa dhankeeda ballanqaaday in ururku uu siin doono Soomaaliya taageero farsamo, si ay ugu guuleystaan hannaanka xubinnimada ururka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this