Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in 11 xubnood oo Daacish ah lagu diley duqeyn ka dhacday buuraleyda Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland
ayaa sheegtay in 11 kamid ah dagaalameyaasha kooxda Daacish lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Shebaab ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari, sida uu baahiyay TV-ga maamulka Puntland.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaraha dagaalka dowladda isku tagga Imaaraatka Carabta, kuwaas oo taageeraya howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda gobolka Bari.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo socda bishii labaad ayay ciidamada Puntland ka soo hooyeen guulo muuqda ayaa diley boqolaal dagaalame oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this