Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadallada Somalia iyo Itoobiya oo ka furmay Ankara iyo xogtii u dambeysay

Recommended Posts

Deeq A.   
Heshiiska-ANKARA.jpg?fit=2048%2C1366&ssl

Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Anakara ee caasimada dalka Turkiga waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo farsamo oo xasaasi ah, isla markaana u dhexeeya mas’uul sar sare oo ka kala socda dalalka dariska ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dhaqan-gelinta heshiiskii Ankara ee ay horay u gaareen labada dhinac ee ku aadanaa xal u helista muranka badda.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada hadda socda si gaar ah looga arrinsanayo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya, si ay u hesho marin biyood ganacsi oo sharci ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qayb ka ah guddiga farsamo ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadaladan lagu qaada dhigayo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii laga gaaray wada xaajoodyadii hore ee ka dhacay Ankara.

“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay  raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.

Kulamadan ayaa daba socda wada-hadalladii labada geesoodka ahaa ee ay dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Addis Ababab, kuwaas oo isku raacay in la sii amba qaado wada-hadalka ay Itoobiya ku dooneyso inay cagta soo saarto biyaha dalkeenna Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this