Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish wuxuu waajib ku yahay Soomaalida oo dhan

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Puntland-1.jpg?fit=1920%2C1280

Bishii November ee sanadkii tegay ayay dowladda Puntland si cad u soo bandhigtay cudud ciidan oo loogu talagalay in laga saaro ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 Soomaaliya looga dhawaaqay, waxaana hoggaamiye iyo amiir u noqday Cabdulqaadir Muumin, kaas oo isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka soo wareegay gobollada koonfureed ee dalka kadib markii ay hanjabaad uga timid Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban gudaheed buuraha Galgala ka dhistay xarumo iyo saldhigyo ciidan. Waxa uu halkaas ku soo aruuriay ciidamo iyo xubno sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish. Shaki la’aan, xarumaha Daacish ee Galgala waxaa dhisay, maalgeliyay, qalabeeyay hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish.

Muddadii 10-ka sano ahayd ee kooxdaasi deganeyd buuraha gobolka Bari, waxay culeys iyo dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka deegaanka, xagga nolosha iyo horumarka. Maamulka Puntland oo xog badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulan tahay, ayaa ku dadaalayay in waxyeelladoodu yaraato, nolosha shacabka na ay sidii caadiga ahayd ugu socoto. Waxaa jiray dagaallo badan oo lala galay kooxda intii ay halkaas joogtay, iyada oo ay Puntland la tacaaleysay culaysyo kale oo ka imaanayay dagaallada siyaasadeed ee ka dhex jiray maamullada iyo dagaalka Al-Shabaab. Sidaas darteed, Puntland waxay buuraha ka samaysatay saldhigyo difaac oo ka soo horjeeda kuwa Daacish-ISIS, si loo sugo ammaanka deegaannada, isla markaana looga hortago weerarrada ay argagixisadu ku beegsan karaan shacabka.

Dagaalka ay hadda qaaday Puntland, waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa, balse waxaa jiray caqabado badan oo hor taagnaa, qaar ka mid ahna wali way taagan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddayn u ah in kooxdaasi dhammeystirtay diyaar garow colaadeed, iyagoo qorsheynaya inay waxyeello u geystaan qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo aan aad uga fogeyn buuraha ay kooxdu saldhigga ka dhigtay. Waxa ay kooxdu si joogto ah dhibaato ugu haysay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku nool buuraha dhexdeeda, waxaana maalin kasta laga soo sheegaa xoolo la dhacay, dad la la’yahay ama la waxyeelleeyay, iyo ganacsato lacag baad ah si xoog ah looga qaado, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.

Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda!

Waxaa la wada ogyahay in Soomaaliya lagu hayo duullaan dhinacyo badan leh, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duullaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan oo ay diyaariyeen sirdoon dalal shisheeye ah oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda. Tan waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka, iyo sida dowladaha shisheeye qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya. Waxaa la arkaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana midna uusan uga xumaan midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay. Taasi waxay muujinaysaa in Soomaaliya gacanta lagu hayo, isla markaana dano shisheeye lagu fushanayo.

Su’aalo jawaabtooda cidina kuu sheegi karin waxaa ka mid ah:

  • 11-kii bishaan, duullaan ay soo qaadeen kooxda Daacish, waxay ku yimaadeen mootooyin (motorcycles) oo tiradooda marna lagu sheegay 40, marna 60, kuwaas oo wata qaraxyo.
  • Isla maalinkaas, sida la sheegay, waxaa la dilay 87 ka tirsan argagixisada, kuwaas oo 81 ka mid ah aan Soomaali ahayn!
  • Dagaalkii ugu horreeyay ee lagu dilay 57 dagaalyahan oo Daacish ka tirsan, wararka ayaa sheegaya inay dhammaantood ahaayeen ajaanib.
  • Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka ugu badan ee buuraha Galgala dagaalka ka wada ay yihiin shisheeye.
  • Sidee bay ku heleen qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, gaadiidka, iyo dhismayaasha ay buuraha ka sameeyeen?
  • Yaa u fududeeyay sahayda ay helayaan?
  • Xaggee bay soo mareen?

Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in hal nin oo Yemeni ah uu barfuunno wareejin jiray, balse ma cadda sida ay kooxdan ku heleen taageerada ay haystaan.

Galmudug oo garab istaagtay Puntland!

Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo dhammaan cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalintooda ka qaataan. Shaki la’aan, garab istaaga Galmudug wuxuu xoojinayaa midnimada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna niyad jab weyn ku ridayaa cadowga raba inay Soomaaliya kala tagto. Dadka Soomaaliyeed waa mideysan yihiin difaaca dalkooda, waxay garanayaan ciddii hiil u fidiya iyo cadowgooda. Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay ka gudbaan khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay, ayna fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin dad isku mid ah, dagaal kasta oo lagu soo qaadana ay waajib tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qayb qaato.

Dagaalka ay Puntland gashay waa inuu ku dhammaado:

  • In laga sabro dhalinyarada u dhintay difaaca dadkooda iyo dalkooda.
  • In shisheeyaha xuduudaha ka soo tallaabaya ay quustaan.
  • In cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu damac galo dhulka Soomaaliyeed.
  • In Soomaaliya aysan ahayn sida ay cadowgu u fahamsiiyeen.
  • In cadow kasta oo dalka kusoo duula lagu aaso, uuna uusan noqon mid libin ku faanaya.

Shaki la’aan, dagaalka ay Puntland haatan ku jirto wuxuu farriin cad u yahay dhammaan cadowga gudaha iyo dibadda ka wado falalka argagixisada, isla markaana wuxuu muhiim u yahay sugidda amniga guud ee Soomaaliya.

Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa cadowga u soo raacay dadkooda!

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in dadkii xuduudaha kasoo tallaabay, ama dalalka deriska kasoo yimid, dib loogu celiyo waddamadooda, maadaama ay jirto caddeymo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ay ku biireen kooxda argagixisada ah ee Daacish.

W/Q: Axmedyaasiin Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this