Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israel oo billaabay in ay ka baxaan Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Israel.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Beirut (Caasimada Online) – Sarkaal Lubnaani ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay Isniintii bilaabeen ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.”

Madaxweynaha Lubnaan ayaa horey uga digay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, wuxuuna dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.

“Ciidamada Israa’iil waxay bilaabeen ka bixitaanka tuulooyinka xadka, oo ay ka mid yihiin Mais al-Jabal iyo Blida, iyadoo ciidanka Lubnaan uu horey u sii socdo,” ayuu AFP u sheegay sarkaal dhanka amniga ah, isagoo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Afhayeenka militariga Israa’iil, Gaashaanle Nadav Shoshani, ayaa horey u sheegay in “iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta, aan si kumeel-gaar ah ciidamo yar ugu sii daahino shan meelood oo istiraatiiji ah oo xadka Lubnaan ah.”

Wuxuu intaa ku daray in go’aankan la qaatay si “aan u sii wadno difaaca muwaadiniinteena, una hubinno in aysan jirin khatar degdeg ah.”

Israa’iil waxaa lagu waday inay si buuxda uga baxdo Lubnaan ugu dambeyn 18-ka Febraayo, kadib markii ay horey u seegtay waqti loo qabtay bishii Janaayo.

Cabsi harsay bixitaanka Israa’iil

“Waxaan ka cabsi qabnaa in ka bixitaanka buuxa uusan dhici doonin berri,” ayuu yiri Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ka hor intii aysan Israa’iil shaacin qorshaheeda militariga.

Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xisbullah waxay dhaqan-gashay 27-kii November, kadib dagaal socday in ka badan hal sano oo ay Israa’iil ka fulisay howlgallo dhulka Lubnaan ah.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigayay in ciidamada Lubnaan ay la wareegaan koonfurta dalka, iyagoo la shaqeynaya ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, halka ciidamada Israa’iil ay si tartiib ah uga baxayaan muddo 60 maalmood ah, taasoo markii dambe dib loogu dhigay 18-ka Febraayo.

Dhanka kale, Xisbullah waxaa looga baahnaa inay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Litani, islamarkaana ay burburiyaan xarumahooda militari ee ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Lubnaan oo ‘diyaar ah’

Madaxweyne Aoun ayaa sheegay in ciidamada Lubnaan ay diyaar u yihiin “inay la wareegaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay Israa’iil ka baxayso” si ay u sugaan amniga xadka.

Wuxuu intaa ku daray in Lubnaan ay si diblomaasiyadeed ugu dadaalayso “fulinta ka bixitaanka buuxa ee Israa’iil.”

Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan-gashay, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ka fulinayso gudaha Lubnaan, iyadoo Isniintii sheegtay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas.

Hoggaamiyaha Xizbullah, Naim Qassem, ayaa Axaddii sheegay in ay masuuliyadda dowladda tahay in la hubiyo in Israa’iil si buuxda uga baxdo ka hor muddada kama dambaysta ah ee Talaadada.

Mareykanka oo taageeraya Lubnaan

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Axaddii sheegay, intii uu shir jaraa’id la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in “xagga Lubnaan, yoolkeenu waa mid mideysan… Waxaan rabnaa dawlad Lubnaani ah oo awood u leh inay la dagaallanto oo hubka ka dhigto Xizbullah.”

Netanyahu ayaa isna xusay in “Xizbullah ay tahay in hubka laga dhigo. Israa’iil waxay jeclaan lahayd in ciidanka Lubnaan ay qabtaan shaqadaas, balse qofna yaanu ka shakin in Israa’iil ay qaadayso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo fuliyo heshiiska xabbad-joojinta iyo difaaca amnigeeda.”

Madaxweyne Aoun ayaa Isniintii xusay in “arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Israa’iil laga saaro Lubnaan, halka arrinta hubka Xisbullah ay qeyb ka tahay xalal ay dadka Lubnaan ku heshiiyaan.”

Dowladda Lubnaan waxay horey u caddeysay in ay tahay hay’adda kaliya ee sharciyan hubeysan, waxayna ballan-qaadday inay xoreyso “dhul kasta oo Lubnaan ah.”

Xisbullah waa ururka kaliya ee Lubnaan ah oo diiday inuu hubka dhigo kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay intii u dhaxaysay 1975-1990.

Xizbullah oo daciiftay

Ayada oo aheyd urur ciidan xoog leh, Xizbullah waxaa si weyn u wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Israa’iil, kaasoo sababay dilka saraakiil sare oo badan iyo xitaa hoggaamiyahoodii muddada dheer, Xasan Nasrallah.

Inkasta oo la gaaray xabbad-joojin, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 qof ay weli ku barakaceen gudaha Lubnaan. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dalka waxay ku qiyaaseen in dib u dhiska dalka uu ku kici karo illaa $11 bilyan.

Ramzi Kaiss, oo ka tirsan Human Rights Watch, ayaa Isniintii sheegay in “burburka ula kaca ah ee Israa’iil ay u geysatay guryaha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha” uu caqabad ku noqday in dad badan ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this