Sign in to follow this  
Deeq A.

XAMAAS oo shaacisay dilka mid ka mid ah madaxdeeda – Sidee loo khaarajiyay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamaas-Xamas-Hamas-scaled.jpg?fit=2560%2

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa si rasmi ah u shaacisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda caanka ah oo la yirahdo Muxammad Ibrahim Shahin.

Ninkan oo loo yaqaannay Abu al-Baraa. Xamaas ayaa sheegtay in Shahin la dilay Isniintii shalay intii lagu guda jiray weerar ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan.

Muxammad oo walaalo ahaayeen Qassam Xamza Shaheen oo isna horey u shahiiday ayaa qabtay dhowr jagooyin jihaad ah oo horumarsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xamaas.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari marayey magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan habeen ka hor waqtigii loo qabtay fulinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israel.

Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen baabuur ku socdaalayay jidka badda ee woqooyiga laga galo Siidoon kuna sii jeeday Beyruut.

Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.”

Lubnaan ayaa horey uga digtay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, iyadoo dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this