Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab hubeysan oo beegsaday guriga horjooge Shabaab ah – Kadib maxaa dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax.

Howl-galkan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Howl-galkan kadib ayaa lagu soo warramayaa in kooxda Al-Shabaab ay qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay falkan ku lug lahaayeen.

Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda oo iyagu degmadaasi ku wada sugan.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this