Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Yurub oo si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Yurub ayaa si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Ukraine oo dagaalka ka socdaahi uu hadda galayo sanadkii afaraad oo xariir ah.

Wargayska Financial Times ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya dalalka Yurub oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine, Poland iyo Spain ayaa muujiyay sida ay uga caga jiidayaan in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Kiev, halka Faransiiska uu soo jeediyay in la sameeyo ciidamadaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga uu ka socdo shir u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this