Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhiimadda caynkee ah ayay Soomaaliya u leedahay qabashada guddoomiyaha Midowga Afrika ee Jabuuti?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib doorasho adag oo ka dhacday magaalada Addis Ababa.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhawaysay guusha Danjire Maxamuud Cali Yuusuf, ayadoo tilmaamtay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay hormuud u noqan doonto hormarka qaaradda Afrika, islamarkaana guddoomiyaha cusubi uu xaqiijin doono himilada dadka Afrikaanka ah.

Jabuuti oo ah dalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya ayaa guusheeda loo arkaa ahmiyad gaar ah u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kabanaysa colaado sokeeye iyo qaran jab ay muddo dheer la daalaacaysay.

Soomaaliya ayaa si joogto ah ula kulanta fara-gelin inteeda badan uga timaadda dalalka Africa, gaar ahaan deriskeeda, taas oo wax ka qabashadeeda Midowga Afrika uusan markiisii hore xil weyn iska saari jirin.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa joogaa kumaanaan askari oo Midowga Afrika ka amar qaata, islamarkaana mas’uuliyaddoodu tahay nabad ilaalin, balse dalalka qaar ayaa xooggaas u adeegsada danahooda gaar ah.


Hadda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha cusub ka filaysa inuu ka taageero ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanideeda, iyo jaangoynta qorshe hawleedka ciidanka nabad ilaalinta ah ee AUSSOM.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this