Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo markii ugu horreysay caddeysay mowqifkeeda xiisadda DF iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Madoobe.jpg?fit=2500%2C1500

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay safarkii uu dhawaan madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ku tegay dalkeeda iyo xiisadda Madoobe kala dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa iska fogeysay inay dhinaca saartay Axmed Madoobe oo haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in safarkii Axmed Madoobe ee caasimadda Kenya uu la xiriiray wada-hadallo dhex-dhexaadin ah oo Kenya ay ka dhex waday maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay Aadan Barre oo ka tirsan xukuumadda Ruto.

Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Kenya oo bixiyay wareysi ayaa caddeeyay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan dowlada dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Nairobi ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dowladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir-madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhawaan ka dhacay magaalada Caruushe ee dalka Tanzania.

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli bishii lasoo dhaafay ee Janaayo uu Axmed Madoobe ku tegay Kenya safar hadal-hayn xooggan abuuray, taas oo markaas loo arkayay in Kenya ay dhinaca saartay Madoobe, oo dowladda dhexe u jartay waaran soo qabasho, kuna soo rogtay maamulkiisa xanibaad dhanka duulimaadyada ah.

Kenya oo dhaqaale badan ka hesha Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid iska ilaalineysa wax kasta oo mad-madow gelin kara xiriirkeeda dowladda dhexe, kaasi oo ay u aragto mid muhiim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this