Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dalab xasaasi ah hordhigtay Turkiga – Muxuu yahay?

Recommended Posts

Deeq A.   
480157330_1187455346074034_6417934958312

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa dowladda Turkiga ka dalbaday inay xiriir toos ah la yeelato Somaliland, si uu u dhexmaro iskaashi adag oo dhinacyo badan leh.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa dalabkan hordhigay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Cirro iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, kuwaas oo la xiriira xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Danjiraha Turkiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtooyada, isaga oo qiray biseylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen hoggaanka.

Arrintaas ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badanna ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo guusha ay gaareen.

Intii uu socday kulanka, waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday arrimaha waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, iyo ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland ayaa danjiraha Turkiga ku wargeliyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in dawladda Turkigu la yeelato xidhiidh toos ah oo wanaagsan oo dhinacyo badan leh.

Lama oga in Turkigu uu aqbali doono dalabka Somaliland, maadaama uu xiriir qoto dheer la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, una fidiyo taageero ballaaran oo dhinacyo muhiim ah leh.

480482440_1187472646072304_2720810707170

476613169_1187482152738020_8856757940498

480157330_1187455346074034_6417934958312

479458255_1187473599405542_4943610177350

480455958_1187455306074038_8093613061644

480199375_1187455659407336_7515281666543

480715815_1187455352740700_2662760512310

480608299_1187455642740671_4417140415585

480292879_1187455356074033_8811534551258

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this