Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo go’aan ka soo saaray furitaanka kalfadhiga BF

Recommended Posts

Deeq A.   
Aadan-Madoobe-iyo-Cabdi-Xaashi.jpeg?fit=

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee BJFS ayaa maanta kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad, iyagoo go’aan ka soo saaray goorta uu furmayo.

Maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025 ayaa la go’aamiyey in la furo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, sida lagu shaaciyey warqad kasoo baxday guddoonka.

“Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoonka labada aqal.

Baarlamaanka 11-aad ayaa ku jira marxaladihii u dambeeyay ee muddo xileedkiisa, maadaama ay sanad u hartay, waxaana lagu dhaliilay in Golaha Shacabka oo ah hey’adda kaliya ee la xisaabtanta Xukuumadda inay ku milantay Golaha Fulinta.

Sidoo kale, mucaaradku waxay ku doodayaan in Madaxtooyadu noqotay halka laga hago shaqada ay qabtaan xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxtooyada oo la rabay in xildhibaanadu ay la xisaabtamaan ayaa soo diyaarisa ajendayaasha ay ku shaqeynayaan, sidoo kale waxay Villa Somalia dejisay qorshe lagu aamusinayo xubnaha ka hor yimaada ajendayaasheeda.

Xildhibaanada qaar waxaa laga dhigay wasiirro si loogu aamusiyo oo xukuumadda aysan ula xisaabtamin ama u ridin, waxayna taasi sababtay in isla xisaabtankii uu meesha ka baxo.

Furitaanka kalfadhigaan ayaa xambaarsan cabsi badan oo xukuumaddu ay ka qabto in mooshin laga keeno, waxaana jira siyaasiyiin u uku jiro Axmed Madoobe oo mooshinkaas gadaal ka taagan.

bb.png?resize=696%2C892&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this