Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Booliska oo amar culus ka soo saaray Jaad si yaab leh lagu soo geliyo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Afhayeenka-booliska-booliiska-Cabdifitaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ku gubay Qaad/Jaad la sheegay in si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kaaraan ayaa soo bandhigay 40 Jawaan oo Qaad ah oo fagaare lagu gubay.

Booliska ayaa sheegay in Jaadkaan dalka lagu soo geliyey Doon ka keentay dalka Kenya, iyadoo u jeedku ahaa in ay ka dhuuntaan canshuurta dowladda.

“Hadii qaadka uusan soo marin wasaaradda maaliyadda waa ‘kotorobaan’ waxaana nagu waajib ah in aan qabano oo gubno sida maanta dhacday oo kale,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Booliska ayaa shaaciyey in lasoo qabtay seddax nin oo loo heysto inay Jaadkaan soo geliyeen Muqdisho, isla markaana lagu raad-joogo rag kale oo la soo qabanayo.

“Seddax eedeysane oo baaritaan uu ku socdo ayaan heynaa, waxaana ka sii dembi weyn kuwii qaadkaan soo iibiyey waana lasoo qaba doonaa, hantidiina ha iska khasaarinina, cid kasta oo waxaan oo kale lagu qabtana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Dowladda Soomaaliya ma diidana in dalka la keeno qaadka ama laga ganacsado, balse waxay cadeysay in la diidan yahay oo lala dagaalamayo ganacsatada ka dhuumaneysa canshuurta.

Canshuur badan ayaa saaran Qaadka markii uu ka soo dego garoonka Muqdisho, balse markii dalka lagu soo geliyo doon ama gaadiid waxaa la sheegay inuu ka lacag yaryahay wax badan kan diyaaraduhu keenaan.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this