Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan oo ka hadlay dagaalka Shabaab iyo Daacish, farriina u diray mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu furay isbitaal gaar loo leeyahay ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacishn iyo kan dowladda federaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

“In dagaalka Khawaarijta aan guulo ka gaarno waxay noo bilaabatay markii uu shacabku dhiiraday oo dagaalka ku soo biiray, waxaana ka adkaa doonaa Khawaarijta hadda ku soo uruurtay cabsi gelinta oo kaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada oo xiligaan uu sheegay inuu toos uga socdo gobollada Bari, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo shacabka ugu baaqay in dowladda ay ku garab siiyaan dhameystirka inta ka hartay ciribtirka Khawaarijta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasyiinta mucaaradka ah oo uu sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen ay ka door bideen ceebeynta dowladda.

“Dadkeena siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay qof walba haduu hadlayo wax fiican dadka ha u sheego ama ha iska aamuso, darajo ku gaari meysid ceebeynta dalkaaga iyo dowladaada, wax badan oo wanaagsan ayaa jira hadaa dooneyso inaa dad wax u sheegto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta canshuuraha, isagoo cadeeyey in qofkii dowladda canshuur kula murma uu isagu qaldan yahay.

“Wax kasta waan ka doodi karnaa, laakiin canshuurta inaad bixiso waa waajib qaran oo ku saaran, gorgortana lagaala geli maayee hadii muran ka yimaado adigaa qaldan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay arrinta caafimaadka ayaa yiri, “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.”

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this