Sign in to follow this  
Deeq A.

9 qof oo Mareykanka ugu dhintay duufaannada ku dhuftay dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan sagaal qof, oo siddeed ka mid ah ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa Axaddii sheegay in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen.

Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurkii ay la socdeen ay liqeen biyo jooggoodu sareeyay.

Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontada ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar.

Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England, iyo New York.

Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa inay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan, iyo kuwo kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this