Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo Qaadday Tallaabooyin Lagu Xoojinayo Nabadgalyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda ,  bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay.

Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa:

????. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.

????. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.

????. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,

????. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.

????.  Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada:

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin  isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

???????????????????? ???????????????????? ????????????,

???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? (????????????????)

???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this