Deeq A. Posted Monday at 02:23 PM https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNJo18FGBneykJ78iXqCsFRASqEWX4xfbFqmQEOV1qil0dSklD-4Pi3RgokQ6TAsbaMoxhuwtSSZN5-MxLlDsIv.mp4 ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐, ๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay. Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa: ๐. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka. ๐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada. ๐. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada, ๐. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha. ๐. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo masโuuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar laโaan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News Share this post Link to post Share on other sites