Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga XFS oo dalka Aljeeriya uga qeyb-galay meertada 42-aad ee shirka Wasiirrada amniga Jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga Qaranka XFS Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Tuniisiya uga qeyb-galay shirka 42-aad ee Golaha wasiirrada arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagixisada, ka hortagga maan-dooriyaha iyo dembiyada abaabulan.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Masar, S/Gaas Maxamuud Towfiiq, Ciraaq, S/Guud Cabdull-amir Kaamil Al-shimri, Al-jeeriya, Mudane Ibrahim Muraad, Cummaan, Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Madaxa interpol S/Gaas Axmed Naasir Al-risi iyo Xoghayaha guud ee golaha wasiirrada arrimaha gudaha Carabta, Dr. Maxamed Bin Cali Koomaan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda Amniga Soomaaliya.

Wasiir Fartaag ayaa masuuliyiinta uu la kulmay uga warbixiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, isagoo sidoo kale ka codsaday dalalka Carabta in Soomaaliya lugu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa Tuniisiya ku wehliyay Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga Qaranka Ismaaciil Macalin Cabdulle.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this