Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee BJFS oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 6 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxay go’aamiyeen in kalfadhiga 6 ee Baarlamanka 1 laad uu rasmi ah furmi doonno maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Febraayo 2025.

Guddoonka ayaa Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wargaliyay inay soo xaroodaan ka hor furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed.

Furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa si weyn dib ugu dhacay, waxayna arrintaas mucaaradkku ku fasiraan qorshe siyaasadeed oo madaxtooyadu ka dambeyso.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this